7476 Views

Qaybtii-3-aad Xarunta Xasaradaha ! ( Gaalkacyo):

Qaybtii-3-aad Xarunta Xasaradaha ! ( Gaalkacyo):
____________________________________________________________________________

Dhaqanka beelaha geelleyda (beelaha hubeysan).

Muqdisho | QOL | February 3, 2016 – Diinta Islaamka Somaalida waxa ay soo gaartay Iyada oo bilow ah, waana xiligii NABI MUXAMED C.S.W uu joogay Makka,uusanna u Hijroon Madiina.

Raadkii u horreeyay ee Diinta Islaamka waxaa reebay, Saxaabadii u soo hijrootay dhulkii Xabashida  (Ardul Xabasha) oo ay Somaalidu kamid aheyd dadyowgii ku noolaa.

Sidaa daraadeed Somaalidu waxa ay ka mid tahay dadyowgii ugu horreeyay ee Islaamka qaata, ilaa maantana waa dad Muslim ah 100%.

 Annaga oo ka amba qaadeyna halkaas, Muslim iyo Gaalba waxaa la isku waafaqsan yahay in aafada koobaad ee Somaali kala irdheysay ay tahay qabyaalad la dhoodhoobay,madax iyo majana ay beelaha geelleyda  (beelaha hubeysan) mas’uul ka yihiin wixii hoog iyo halaag Somaali qabsaday, badayna meesha ay maanta taalo.

Maras iyo miskiin la maquuniyo,

Mayd lagu kor maansoodo,

Miyi iyo magaalo lawada mayraco,

Anaa kaa mudan wax kasta lagu maroorsado,

Muslim waxaan u qalmin lala soo mutaxnaado,

Waa dhaqan ay leeyihiin beelahan, oo badda iyo barrigaba ku baahay.    Nin u dhashay waddanka Maroko Muslimna ah oo sifiican u bartay dhaqanka Somaalida ayaa yiri “ Somaalida badankood Diinta Islaamka waxa ay ka qaateen magac ee dhaqan kama qaadan”!.

 Aqristow Bal aan eegno Carabtii Jaahiliga Islaamka ka hor dhaqankoodii iyo Islaamka ka dib waxa iska badalay !.

Carabtii jaahiliga dhaqankoodii bulsho waxaa ka mid ahaa:-

*Jahli

*Dulmi

*Kooda awoodda leh waxa uu boobi jiray kan daciifka ah

*Dagaalo joogta ah oo aan macna laheyn,sida dagaalkii Daaxis & Gabraa,oo ka curtay labo faras oo la tartansiiyay misana mid kood laga dheereeyay.

Nin gabyaa Carbeed ah ayaa ku tookhay:-

وأحياناً على بكر أخينا إذا لم نجد إلاّ أخانا

Mararka qaar waxaan ku duulnaa walaalahayyaga Bakar,marka aan weyno cid shisheeya ah oo aan ku duulno.

Dhaqankii Carabtii jaahiliga ee noocaa ahaa,Islaamka ka dib waxa uu isu badalay Bil cagsi,ilaa ay gaareen in ay dumarkoodii isu furaan.

( واعتصموا بحبل الله جميعا ولا تفرقوا واذكروا نعمة الله عليكم إذ كنتم أعداء فألف بين قلوبكم فأصبحتم بنعمته إخوانا وكنتم على شفا حفرة من النار فأنقذكم منها كذلك يبين الله لكم آياته لعلكم تهتدون) ( 103)

Qabsada xariga Ilaahay dhamaantiin,hana is khilaafina, xusa nimcadii Ilaahay dushiina ku galadaystay ,goor aad isu eheydeen cadow,oo Ilaah quluubtiina isu soo dumay,oo nimcada Ilaahay aad walaalo ku noqoteen,waxaad eheydeen god naareed qarkiis,oo aan idinka badbaadinnay,sidaas ayuu Eeba weyne u caddeeyaa Aayaadkiisa,waxaad mudantihiin in aad ku hanuuntaan.

قال الفاروق عمر إبن الخطّاب رضي الله عنه ” لقد كنّا أذلاء فأعزنا الله بالإسلام ، فإذا إبتغينا العزة بغيره ِ أذلنا الله

Khaliifkii labaad ee Islaamka, Cumar Ibnu Khaddaab (RC) wuxuu yiri:-

Waxaan aheeyn qoom duleysan,Ilaah waxa uu nagu ciseeyay Islaamka,haddii Islaamka meel aan aheeyn sharaf ka doono,Ilaah waa na duleynayaa.

Walaal bal qooraanso oo si fiican u eeg dhaqanka Somaalida maanta iyo dhaqankii Carabtii jaahiliga,waxa ka dhaxeeyo jawaabta waa xagaada.

Hardanka Hawiye iyo Daarood oo kooban:

Hawiye:waxa uu u kala baxaa:-

Abgaal,Habargidir,Xawaadle,Murusade,Sheekhaal,Gaalijecel,Baadicadde,Jajeele,Jidle,Dagoodi,Murale,karanle,Masarre,Moobileyn,Ajuuraan,Hillebi,Beydiisle,Udeejeen.

Daarood:waxa uu u kala baxaa:-

Majeerteen,Ogaadeen,Mareexaan,Dhulbahante,Warsangeli,Leelkase,Garri,Awrtable,Bartirre,Abaskuul,Abba-yoonis,Weyteen,Baalcad,Galimeys.

Labadaan Beelood waa beelaha ugu badan Somaalida, deegaankoodu wuxuu ku baahsan yahay,barrin kasta iyo meel kastoo aqal Somaaliyeed udubkiisu ka mudan yahay,waxayna camiraan dhulweynaha geeska Africa,oo ilaa maanta ay dagan yihiin.

Labadaan beelood Hawiye iyo Daarood,inta la ogyahay waligood waxaa ka dhaxeeyay dagaalo qadiimi ah,oo noqday meherad la iska dhaxlay,dadka yaa laayay Hawiye iyo Daarood,dadka yaa bara kiciyay Hawiye iyo Daarood,dadka yaa boobay Hawiye iyo Daarood,dalka yaa dowlad la’aan dhigay Hawiye iyo Daarood,dalka yaa cadow gacantiisa galiyay Hawiye iyo Daarood,dalka yuu ka dagi la’yahay Hawiye iyo Daarood,darxumada yaa na baday Hawiye iyo Daarood………………………………………………………………!!!

Tolow awoowayaashaan Hawiye iyo Daarood,ma ayagaa soo bilaabay colaadda dhax taalla wiilashooda,misa wiilashaa fidnada bilaabay ? !!!.

 

.

 

macalin-mukhtaar

La soco qaybta 4aad ee maqaalka.

QORE: Macalin Mukhtaar Sh Cabdiraxmaan ( Macalin Dugsi)

macalindugsi@gmail.com

_____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment