4254 Views

Ranieri iyo Kooxdiisa Leicester kaftan ma ogola waxa ay legaday Liverbool…

Ranieri iyo Kooxdiisa Leicester kaftan ma ogola waxa ay legaday Liverbool…
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 3, 2016 – Waxaa Xalay La ciyaaray Kulamo ka Tirsan Horyaalka Ingiriiska 2015-2016 Meertadiisa 24,waxaana Kulamadii dhacay lagu hakiyay Kooxda Arsenal oo waayadaan Hogaanka Horyaalka ka soo dhexmuuqaneysayka dib Markii ay Barbardhac 0-0 la gashay Kooxda Southampton oo Marti u aheyd.

Kooxda Leicester City oo Hogaanka ku qabatay 50 Dhibcood ayaa 2-0 ku sagootisay Kooxda Liverbool oo marti u aheyd,waxaana Guushaan Macalinka Reer Talyaani Ranieri iyo Kooxdiisa Leicester ay ka saaciday inay Hogaanka Horyaalka Ingiriiska 2015-2016 ay kali ku noqdaan

Kulamadii kale ee dhacay sidatan ayey natijadu noqotay,waxaana Xusid mudan in Magaalada Manchester ay xalay aheyd mid si weyn looga Faraxsanaa Guulihii ay Gaareen 2 naadi ee Man utd iyo Man city oo ka dhisan Magaaladaasi.

Arsenal vs Southampton           0-0

Leicester  vs Liverbool              2-0

Norwich    vs Totenham             0-3

West Ham   vs Aston Villa         2-0

Sunderland  vs Man city            0-1

Man Utd        vs Stoke City        3-0

West Brom   vs  Swansea          1-1

Crystal Place  vs AFC Bournemouth 1-2

Caawa hadii Alle idmo waxaa jiri doona l;abo kulan oo ak tirsan Meertada 24 ee Horyaalka Ingiriiska 2015-2016 waxaana labada Kulan  ay u dhaxeeyaan

Everton  vs Newcastle

Watford    vs Chelsea

Horyaalka Ingiriiska 2015-2016 waxa xaga dhibcaha ugu hooseeya Kooxda Aston Villa ee ka dhisan caasimada 2 ee dalkaasi Magaalada Bermingham waxaana ay leedahay 13 Dhibcood.

.

Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
Uurdoox2013@gmail.com

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment