8925 Views

SHILALKA KA DHACA WADOOYINKA MUQDISHO OO SABABA, DHIMASHO IYO DHAWACYO BADAN.

SHILALKA KA DHACA WADOOYINKA MUQDISHO OO SABABA, DHIMASHO IYO DHAWACYO BADAN.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 3, 2016 – Maxaa sababa Shilalka ugu badan ee ka dhaca wadooyinka Muqdisho?, shilalkaas oo intooda badan dhaliya Qasaaro isugu jira NAF iyo MAAL.

Hadaba waxaa la ogaaday in ay inta badan sababaan Shilalkaas darawalada wada Gawaarida CASIYAASHA ah ee qaada dadwaynaha iyo darawalada wada Mooto sedex lugoo layda ee looyaqaan (Bajaaj), waxaa la ogaaday darawaladan intooda badan in ay u wadaan gaadiidka si taxadir la’aan ah (careless driving), iyagoo intooda badan aan lahayn LAYSINKA lagu WADO GAADIIDKA, wax xil ahna iskama saaraan dadwaynaha saaran gaadiidka ay wadaan.

Darawaladan intooda badan iyagoo aan ka fiirsan ayey si xowli ah ku soo galaan Isgoysyada wadooyinka, iyagoo ku tartamaya in midkasta aanan looga hormarin dadweynaha tagan boostejada laga raaco gaadiidka, wax yaabaha taxadir xumada ah ay sameeyaan waxaa ka mid ah, markii ay buuxaan BARKINADA u dhow meelaha laga qaado dadweynaha, waxay sameeyaan DABAL BARKIN “double Parking” iyagoo raba in ay dadna qaadaan, dadna dejiyaan, iyagoo xayira gaadiidka kale, iyagoo isla markaasna Jaam ka dhiga wadooyinka.

shil-baabuur1

Waxaa intaas ka siidaran darawalada wada Motto BAJAAJKA oo inta badan ah darawalo Cusub oo mudo GAABAN la soo baray sida loo wado Bajaajka, waxay sabaaban shilal aan  Caadi ahayn oo sababa DHIMASHO iyo DHAWACYO HALIS ah, inta badan darawaladaan waxay ka soo baxaan meelo aan laga fila naynin oo aan la arki Karin, waana sababta keenta shilalka, waxay inta badan isku cariiriyaan meelo aan ahayn wadadii loogu tala galay ee shirciga ahayd.

War iyo dhamaan Darawaladan intooda badan kama qabaan wax CABSI ah sharciga wadooyinka, waxayna si XUSHMAD daro ah ula dhaqmaan CIIDAMADA Nabadgelyada Wadooyinka, waxayna aminsanyihiin in uu sanjirin Sharci lagu ilaaliyo amaanka wadooyinka, qalad kasta ee ay galaana lagu dhamayn doono XAALMASTUUR.

shil-bajaaj

Maalin ayaan soo racay Gaari caasi ah, waxaan saaranahay SHIRKA hore waxaa wadda nin dhalinyaro ah, wuxuu istaagay isgayska VIALAIBERIA isagoo sameyey DABAL BARKIN, waxaa lagu yeeriyey HOON, nin oday ah oo fadhiyey darawalka Gadaashiisa ayaa ku yiri “maad ka baxdid wadada oo istoo sisid” darawalkii wuxuu yiri “adiga fadhi meeshaada, Gaariga aniga ayaa wado”, kirishboygii wuxuu u yeerayaa dad meel fog ka soo socda, wuxuuna darawalkii ku leeyahay ha dhaqaaqin, waxaan ku iri “maka baqaysid miyaa TARAFIKO, wuxuu yiri  weligay ma arkin Sharci iyo kala dambayn Xamar-na xoogayga ayaan ku meel maraa, marka cid aan ka baqaayo majirto”!!!.

Hadaba Ciidamadii fulin lahaa Sharcigii wadooyinka Malaha awood ay ku fuliyaan, waxaana lagu hayaa Aflagaado iyo Handadaad aan CAADI ahayn, Ciidamadan mahaystaan Awoodii iyo Qalabkii lagu fulin lahaa sharciga, sida BUUGII SHARCIGA WADOYINKA oo sharxaya Qaladka “Violation of the Law” iyo TIKIDHADII GANAAXA ee loo jari lahaa darawalkii ku xad gudba sharciga wadooyinka, waxayna Ciidankii noqdeen Maqane Jooge.

traffico

Hadii aan si deg deg ah wax looga qaban arintan, waxay keeni doontaa in ay Caruur badan ku agoon toobaan ama ay dad badan ku cuuryaamaan, iyadoo aysan jirin dowlad kafaala qaadi karta Nolosha dadkaas ama CAYMISYO bixin doono daryeelka ay u bahan yihiin dadka laga dhinto ama laga dhawacmo.

shil-baabuur

.

Qaranimo-Online | Muqdisho

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment