4848 Views

Shirweynihii Ururka Caafimaadka Puntland ee Denmark oo lagu qabtay magaalada Odense ee dalka Denmark.

Shirweynihii Ururka Caafimaadka Puntland ee Denmark oo lagu qabtay magaalada Odense ee dalka Denmark.
____________________________________________________________________________

ODENSE, DENMARK | February 2, 2016 –  Shirweynihii ururka caafimaadka Puntland ayaa lagu qabtay magaalada Odense ee dalka Denmark 30-01-2016. Shirkaas waxaa lagu soo bandhigay warbixinno iyo film ka hadlaya xaaladda guud ee caafimaadka deegaanada dawlad goboleedka Puntland, iyadoo isla markaas loo fiirinayey sida ay u kala baahi badan yihiin iyo degmo kasta waxyaalaha deg deg ah ay hadda u baahan yihiin.

Dr. Cabdullaahi Cali Xaashi ayaa halkaas ka soo jeediyey cashar ku saabsan cudurada ku dhaca maskaxda iyo sida loo daaweeyo. Wuxuu kaloo sheegay in marka hore xoogga la saaro sidii loogu sameyn lahaa dadka cudurada maskaxda qaba, meelo lugu xannaaneeyo oo qalabaysan. Wuxuuna ka codsaday dadka reer Puntland, gaar ahaan dadka ku nool wadankan Denmark iyo guud ahaan jaaliyada Puntland ee qaaradan Yurub in ay ka qayb qaataan barnaamijyada loogu gurmanayo dadka qaba xanuunada dhimirka ee ku kala nool deegaanada dawlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah xubnaha ururka caafimaadka Puntland oo waxbarasho sare ee caafimaadka ku qaaday dalkaan denmark, kana shaqeeya isbitaalada Denmark. Waxaana ay sheegeen in ay dadkooda uga faaiideynayaan waxa ay ka barteen dalkaan.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Aqoonyahanno, Siyaasiyiin, iyo Haweenka Puntland oo ku nool magaaladan Odense, waxaana ay sheegeen in ay ku taageerayaan wax kasta oo uu ururka uga baahdo.

Shirkaasi waxaa uu ku soo gabagaboobey jawi farxad leh. waa kuwaan qaar ka mid ah sawirradii shirka insha allaah mar dhow naga fisha Videogii shirka.

 shir_caafimad_denmark_puntland-2 shir_caafimad_denmark_puntland-3 shir_caafimad_denmark_puntland-4 shir_caafimad_denmark_puntland-5 shir_caafimad_denmark_puntland-6shir_caafimad_denmark_puntland-7 shir_caafimad_denmark_puntland-8 shir_caafimad_denmark_puntland-9 shir_caafimad_denmark_puntland-10 shir_caafimad_denmark_puntland-11 shir_caafimad_denmark_puntland-12

.

Farah Yassin Osman

Fyok78@hotmail.com

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment