3672 Views

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo beeniyay in la joojiyay duulimaadyadii Muqdisho iyo Hargeysa

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo beeniyay in la joojiyay duulimaadyadii Muqdisho iyo Hargeysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 03 February, 2016: Cali Axmed Jaamac Jangali, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa beeniyay in la hakinayo duulimaadyada Muqdisho iyo Hargeysa.

Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya Jen, Gaafow ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa maalin ka hor ayaa lagu sheegay in wixii ka dambeeya 22-ka bishan la joojinayo duulimaadyada Muqdisho iyo Hargeysa.

Jen, Gaafow ayaa sheegay in Somaliland ay dadka u safra u jarto warqad dal ku gal ah (Go Home), isla markaana lacago fara badan looga qaado dadka, waxaana uu xusay in aanay sharci aheyn, isla markaana duulimaadka aanu aheyn mid caalami ah oo uu yahay mid gudaha ah.

Wasiir Jangali ayaa sheegay in arrintaas aanay waxba ka jirin, isagoo xusay in go’aankaas uu yahay mid u gaar ah Taliyaha Laanta Socdaalka.

“Ma Jiraan duulimaad la joojiyay, wuxuu yiri bisha 22-ka howlo noo socda, waxaa dhici karta in la joojiyo, howshaas waa mid isaga u gaar ah, diyaarado la joojiyay ma jiraan”ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada.

Somaliland ayaa war ka soo baxay ku sheegtay in aanay joojineyn warqada dal ku galka ah ee (Go Home), isla markaana ay yihiin dal ka go’ay Soomaaliya inteeda kale oo madax banaan, ayna kula dhaqmayaan dadka ka imaanaya Koofurta sidii Itoobiya iyo Jabuuti.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment