4155 Views

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Ciladdii Ku timid Diyaaradda Daallo

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Ciladdii Ku timid Diyaaradda Daallo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 03 February, 2016: Cali Axmed Jaamac Jingeli oo ah Wasiirka Duulusta iyo Gaadiidka Hawada Xuumadda Soomaaliya oo Shir Jaraaid ku Qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa markii ugu horeysey ka hadlay dhibaatadii shalay qabsatay diyaaradda Daallo. Wasiir Jaangeli ayaa sheegay in diyaaraddu inyar markii ay hawada kujirtey ay ciladi qabsatay taasi oo kutimid kabtankii diyaaradda, waxaana uu ugu dambayn ku guulaystay inuu diyaaradda kusoo celiyo gagida diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Dhanka kalena Jaangeli wuxuu sheegay in hay’adaha ay arrintaani qusayso iyo shirkaddu ay baaritaano hordhac ah ku wadaan diyaaradda iyo cilladdeeda kadibna marka uu soo dhammaado ay warbaahinta lawadaagi doonaan natiijada rasmiga ah ee kasoo baxda. Maareyaha Heyadda Duulista Iyo Saadaasha Hawada Oo Isna Ka Hadlay Shilkaasi ayaa sheegay in hadda arinta ay gacanta ku hayaan Ciidamada Amaanka Barrisna ay Socoto haddana aan laga hordhici karin. “81 Rakaab ah ayaa la socday Diyaaradda markii ay 10,000Fit  (Toban Kun oo Fiit) ayaa Kabtanka Diyaaradda nala soo xiriiray naguna wargaliyay in cillad Degdeg ah jiro kadibna garoonka ayuu ku soo laabtay,waxaan aragnay dhaawac soo gaaray Diyaaradda dhamaan rakaabkii waan dajinay qof kamid ah ayaa la waayay hadana qofkaas la waayay oo meydkiisa dib laga helay”.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment