5283 Views

Mid ka mid ah Wasiiraddii Xukuumadii Farmaajo oo gargaar dalbaday

Mid ka mid ah Wasiiraddii Xukuumadii Farmaajo oo gargaar dalbaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 04 February, 2016: Dr. Aadan Xaaji Ibraahim oo ahaa Wasiirkii hore Caafimaadka ee Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Farmaajo, ayaa dalbaday gargaar caafimaad oo dibada ah, isagoo ku dhaliilay dowladda Federaalka inay wax u qaban weysay ayad oo og xaalada uu ku suganyahay.

Dr. Aadan Xaaji Ibraahim oo ku jira Isbitaalka Recep Tayyib Erdogan Ex Digfeer ayaa sheegay in muddo shan maalmood ka hor ay Isbitaalka geeyeen Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, haatana xaaladiisa ay liidayo oo ay ka soo dareeyso.

Wariyeyaal ku booqday Isbitaalka ayaa sheegaya inuu haayo xanuun dhinaca beerka ah oo uu la xanuunsanayay muddo saddex sano iyo wax la jira.

Mar uu Wariyeyaasha kula hadlay Isbitaalka ayuu sheegay in dhowr jeer uu qaliin maray, isla markaana daawooyinkii uu qaatay ay xanuuno kale ku soo kordhiyeen.

Waxaa uu sheegay in Maadaama uu soo noqday Mas’uul xil ka soo qabtay Xukuumadihii hore, aysan jirin cid ka war qabto, gaar ahaan dowladda Federaalka oo uu xusay inuusan ka helin wax kaalma ah haba yaraatee.

Dr. Aadan ayaa sheegay in bishan gudaheeda uu dalka HIndiya kula balansan yahay dhaqtar, balse uusan awood u laheyd inuu aado, waxaana uu codsaday in lagu garab siiyo sidii uu u aadi lahaa dalka Hindiya.

Dhaqtarka waxaa kale uu tilmaamay in muddo 30-sano uu shacabka ugu shaqeynayay qaab dhaqtar ahaan, isla markaana uu bulshada ka caawiyo dhinaca caafimaad, balse haatan ay xaaladiisa liidato, isla markaana uu u baahan yahay gargaar dhanka shacabka iyo midka dowlada, hadii la heli karo.

CAFIMAD-3CAFIMAD-2

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment