3249 Views

Xirada Dhadhaab iyo Nolol xumada Qaxootiga la Deristay

Xirada Dhadhaab iyo Nolol xumada Qaxootiga la Deristay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 04 February, 2016: Warar naga soo gaaraya Qaxootiga Soomaaliyeed ee kusugan xerada Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa sheegaya inay soo wajeheen dhibaatooyin dhanka nolosha ah, kadib markii qaar kamid ah Hay’adihii caawin jirey ay joojinyeen shaqadii. Qaxootiga Soomaaliyeed ee klunool xerada Dhadhaab waxaa lasheegay inaysan haysan dhammaan adeegyadii aasaasiga ahaa ee nolosha aadanaha, sida cunto biyo nadiif ah ammaan iyo waxbarasho midkoodna. Dhowaan gudiga waxootiga Midowga reer Yurub oo booqday xeradaasi ayaa balanqaaday inay qaxootigaasi inta doonaysa ka caawin doonaan inay wadankooda ku laabtaan, walow la sheegay in arrintaasi aan waxba ka hirgelin oo dadkuna ay ku noolyihiin xaal aad u adag.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment