3798 Views

Al-Shabaab oo Magaalada Marka la wareegay kadib markii ay AMISOM ka baxeen

Al-Shabaab oo Magaalada Marka la wareegay kadib markii ay AMISOM ka baxeen
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 05 February, 2016: Ciidan ka tirsan Al-Shabaab, ayaa la wareegay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, saacado kadib markii ciidamadii dowladda iyo kuwa AMISOM isaga baxeen, ayada oo an la garanayn sababta.

Wararka naga soo gaaray Marka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay ka soo galeen dhanka bari, iyadoo halkaas iska hor imaad kooban uu ku dhex maray Ciidamo madani ahaa oo magaalada ku sugan.

Goob joogayaal ku sugan Marka oo lala hadalnay ayaa xaqiijiyay, in Al-Shabaab la wareegeen, ayna ka taageen calankooda.

Dadka deegaanka ayaa goor hore guryahooda ku xarooday, waxaana jirin wax dhaq dhaqaaq ah oo magaalada ka jira, tan iyo markii xaalad cabsi ah ay gashay.

Dagaalyahano ka tirsan oo wajiga u duuban ayaa lagu arkay Saldhiga degmada Marka iyo goobo kale, waxaana ay magaalada gaaf wareegayeen, iyagoo wajiga u duuban.

Ciidamada AMISOM ee saldhiga ku lahaa deegaanka Ceel-Jaalle ayaa xalay ilaa saakay ka baxayay saldhigaas, waxaana ay u ruuqaansadeen dhanka deegaanka Shalanbood oo ilaa 15-KM u jira Marka.

Sidoo kale Ciidamada dowladda iyo maamulkii deegaanka ayaa iyana la sheegay inay ka baxeen magaalada, waxaana jirin ilaa iyo hada war ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose iyo kan Gobolka.

Magaalada Marka oo ah magaalo xeebeed istiraatiiji ah ayaa magaalada Muqdisho u jirta illaa 100KM, waxayna ka mid aheyd magaalooyinkii Al-Shabaab laga saaray sanadkii 2012.

Wixii warar ee nagu soo kordha kala soco Qaranimo http://Qaranimo

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment