4488 Views

Malaayiin gabdha ah oo habka fircooniga loo guday ayaa ku nool Aduunka

Malaayiin gabdha ah oo habka fircooniga loo guday ayaa ku nool Aduunka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 05 February, 2016: Qoraal ay Hey’ada UNICEF ayaa lagu sheegay in aduunyada ay ku noolyihiin ilaa iyo 200 milyan oo gabdho iyo haween loo guday habka gudniinka fircooniga.

Hablahan ayaa Bar ka mid ah waxay ku noolyihiin dalalka Itoobiya, Indonesia iyo Masar.

Somalia, Guinea iyo Djibouti ayaa wali si xowli ah looga isticmaalaa habkaan gurracan ee gudninka ah, hase yeeshee boqolkiiba 30 ayuu hoos uga dhacay inta badan dalalka caalamka sida ay sheegeyso warbinta UNICEF oo lagu soo aadiyey maalin ka hor xuska maalinta ka dhanka ah Gudniinka Fircooniga oo ku beegan berrito oo Sabti ah.

Qaramada Midboobay ayaa ka shaqeyneysa sidi ay u cirib tiri laheyd Gudniinka Fircooniga oo ah in la jar jaro xubinta taranka gabadha, waxaana ay qabsatay sanadka 2030 in ay noqoto bartimaameedka ugu danbeeya ee Fircooniga.

Labadas boqol ee Milyan ee la nool gudniinka fircooniga 44 milyan oo ka mid ah waa gabdho da,doodu ay ka hooseyso 14 sano jirro,waa sida ay sheegatay QM.

Sarkaal ka tirsan UNİCEF oo lagu magacaabo Claudia Cappa ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jabuti ay yihiin dalalka ugu badan ee ilaa iyo iminka sida ba,an looga adeegsado caadadaan aadka u gurracan ee gudniinka fircooniga, waxana uu sarkaalkan tilmaamay in 10-ki gabar oo ku dhalata Somalia ay 9 ka mid ahi loo gudo fircooni.

Dalalka sida Liberia, Burkina Faso, Kenya iyo Masar ayaa soo saaray sharciyo adag oo ka dhan ah fircooniga taasoo hoos u dhigtay gudniinka fircooniga.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment