3597 Views

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Oo Booqday Wasaaradda Batroolka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Oo Booqday Wasaaradda Batroolka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 06 February, 2016: Mudane Maxamed Cumar Carte, Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya  ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Batroolka ee Xukuumada. Ujeedada kormeerkan ayaa aheyd markii dib u habayn balaaran lagu sameeyay Wasaaradda Batroolka oo gabi ahaanba markii hore burbursanayd, waxaana dadaal dheer oo Xukuumaddu sameeyay kaddib dib u habayn lagu sameeyay xaruntaasi. Ra’iisal Wasaare ku- xigeenku Mudane Maxamed Cumar Carte wuxuu soo kormeeray dhismaha Wasaaradda Batroolka oo ka koobnaa dhisme saddex dabaq ah, loona qalabeeyay qaab casri ah,Waxaanu amaan iyo mahadcelin u jeediyay Wasiirka W/Batroolka Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim iyo shaqaalaha Wasaarada Batroolka oo xil weyn iska saaray hirgelinta dhismahan cusub. “Horru-marka ka muuqda Wasaaraddu waxay ku tusaysaa waxqabadka Xukuumada mudadii yarayd ee ay jirtay iyo talaabooyinka hormar ee ay ku talaabsatay” sidaa waxa yidhi Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka DFS. ” Kormeerkan uu Mudane Carteh ku tagay Wasaaradda Batroolku wuxuu ka mid yahay la xisaabtanka iyo dhiiri-galinta waxqabadka Dawladda, waxaanu Ra’iisal Wasaare ku –Xigeenku mar walba garab taagan yahay shaqooyinka iyo horu-marka guud ahaan wadanka ka socda.”

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment