3849 Views

Soomaaliya Oo Markale Dacwad Ka dhan ah Kenya U Gudbisey Maxkamadda Hegue.

Soomaaliya Oo Markale Dacwad Ka dhan ah Kenya U Gudbisey Maxkamadda Hegue.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 06 February, 2016: Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in Xeer ilaalinta guud ee dowladda federalka ah ee Soomaaliya ay markale dacwad kadhan ah dowladda Kenya u gudbisey Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee Hegue. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, oo booqasho ku joogga dalka Holland, wuxuu tilmaamay in dacwadaani ay tahay mid ka horimaaneysaa dalabaadkii Kenya horey kaga soo yeeray, ee ahaa in dacwadda badda Somaliya lagu xaliyo meel ka baxsan Maxkamadda Caddaaladda Caalamka. “Waxaan joognaa Maxkamadda Caalamiga ah, aniga, safiirka iyo qareennada waxaana u imid in aan gudbino jawaab ku saabsan warbixinta oo ay kalhore keentay Kenya, runtii 5-ta bishan ayay ku ekeyd, Al Xamdullilah waqtigii naloo qabtay ayaan ku keenay.” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka. Dacwadaani ayaa kusoo beegmaysa kadib markii wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya ay codsatay in dacwaddii horay looga geeyey maxkamadda lagu xalliyo meel ka baxsan Maxkamada Caalamiga ee Hegue hoosna loo dhigo dacawada ka dhaxeeysa labada dal ee deriska ah.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment