4077 Views

CABASHO DEG DEG AH, OO KU SOCOTA.

CABASHO DEG DEG AH, OO KU SOCOTA.
____________________________________________________________________________

WAA CABASHO DEG DEG AH, OO RAADINAYSA CADAALAD!!.

KU: MD, WAYNAHA DF, SOMAALIYA.

KU: GOLAHA SHACABKA D, FEDERAALKA.

 KU: MD, WAYNAHA K, GALBEED SOMAALIYA.

 KU: WASIIRKA GAASHAAN DHIGA.

 OG: TALIYAHA IYO ABAAN DUULKA CIIDAMADA XOOGA.

Warar Cabasho iyo Calaacal ah, ayaa ka imaanaya Shacabka ku nool G. Shabellada Hoose, gaar ahaan Degmada AFGOOYE iyo Nawaaxigeeda, Shacabkan waxay ka Cabanayaan DHIBAATOOYIN ay ku hayaan Ciidamada Militeriga ee ka tirsan GUUTADA 4aad ee sugan G. Shabellada hoose.

Dhibaatooyinka Shacabka lagu hayo oo isugu jiro DHAC iyo BOOB  Naxariis la’aan ah,  sida dadka qaar ay xaqiijiyeen Ciidankan waxay LEEXSADAN Gaadiidka u socda ama ka yimaada Muqdisho, waxayna si  QASAB iyo HANDADAAD ah uga QAATAAN shacabka TEEFANADA, LACAGAHA iyo iyagoo MADAX FURASHO u Qafaasha dadka qaar ee ay is leeyihiin waxaad ka heli kartaan Lacag.

Askartan Waxaa kale oo ay ku sameeyaan Shacabka JIR DIL, iyagoo ku garaacaa Qoryaha dabadooda si ay u sheegaan wixii u qarsoon oo dhaqaale ah ama waxii qiima leh ee ay wataan, waxayna ku handadaan dadka, hadii aad na sheegtaan waa idin DIlAYNAA oo waa naqaan wajiyadiina.

Dadka inta badan waxaa lagu dhacaa Jidka aada Marka iyo Jidka dhexmara Afgooye ee aada Owdheegle iyo Nawaaxigaas, waxaana la xaqiijiyey Ciidamadan in ay ka soo jeedaan intooda badan HAL JUFO.

Hadaba Shacabkan waxay leeyihiin, Arintan waxay socotaa mudo aad u dheer, waxayna marar badan u direen Cabashadooda Dowlada wax laga qabtayna majiraan, Shacabkan waxay markale Codsanayaan in arintooda deg deg wax looga qabto, hadii Dhagaha laga XIRTO Codsigooda waxaa dhici doonta in ay kalsoonida kala noqdaan Dowladaha kor ku xusan.

War iyo Dhamaan waxaa laga warsugayaa Dowlada sidii ay wax uga qabtaan Xaaladan XAD GUDUBKA ah ee ay ku jiraan Shacabka, waxaana CIIL iyo Caloolxumo ah, Ciidankii loo soo Carari lahaa in laga CARARO. Waxaan kula talinaynaa Shacabkaas in ay ka sameeyaan QORAALO muhiim ah dhibaatooyinkan iyo Cida ka dambaysa, si loogu Xisaabtamo waqti kale, oo aan la is xaqiri doonin Insha’Allah.

.

Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment