4320 Views

Leicester oo la celin la yahay ka dib markii ay quusiyeen Man city

Leicester oo la celin la yahay ka dib markii ay quusiyeen Man city
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 7, 2016 – Waxaa la ciyaaray 6-2-2016 Kulamo ka Tirsan Meertada 25 ee Horyaalka ingiriiska,waxaana Kulamadaasi ugu tun weynaa kii u dhaxeeyay Kooxaha safka hore kaga jiray Hogaanka Horyaalka Ingiriiska 2015-2016 ee Man City vs Leicester City waxaana Ciyaartaan  Ku adkaaday 1-3 Kooxda Hogaamineysa Horyaalka ee oseysay Horyaalka Ingiriiska oo BadiyayLeicestar City oo ah koox la loodin la yahay Xili ciyaareedkaan iyadoo urursatay 53 dhibcood 25 kulan ee ay safteen

Dad badan ayaa qabay in Leicester Kulankaan adag oo ay  Martida u ahaayeen Man City la iska caabin doono balse taasi ma dhicin,waxaana Martigaliyihii Man City soo gaaray dharbaaxo la yaab leh ka dib Markii  looga Badiyay 1-3 iyadoo Guuldaradaan Kooxda Man city ay  ku noqotay  Filanwaa Maadaama la is laahaa waa celin doonaan Orodka iyo Dardarta Leicester
Kulamadii kale ee dhacay sidatan ayey Kooxuhu u ciyaareen Meertadii 25 ee Horyaalak Ingiriiska 2015-2016
Liverbool vs Sunderland                    2-2
Totenham vs Watford                        1-0
Swansea vs Crystal Palace               1-1
Newcastlle vs WestBrom                    1-0
Stoke City   vs Everton                       0-3
Southampton vs West Ham                1-0
Aston Villa   vs Norwich                        2-0      Kooxda Aston villa oo horyaalka ugu hooseysa ayaa kulankaan Guul gaartay waxaana ay wali Kaalinta 20 uga jirtaa xaga kala sareynta dhibcaha iyadoo leh 16 dhibcood
Axad 7-2-2016  waxaa qabsoomi doona hadii Alle idmo 2 kulan oo ka Tirsan Meertada 25 ee Horyaalka Ingiriiska 2015-2016 waxaana Kulamadaan ay u dhaxeeyaan AFC Bournemouth  vs Arsenal iyo Chelsea vs Man Utd.
N.B Naadiga Totenham oo mudooyinkaan ay u shideyd aya Si KMG u soo cariirsatay Kaalinta 2 ee kala horeynta Dhibaha iyadoo urursatay 48 dhibcood.
,
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
___________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment