3066 Views

Madaxweynaha oo maanta hortagaya Baarlamaanka, Khudbadna ka jeedi-doono

Madaxweynaha oo maanta hortagaya Baarlamaanka, Khudbadna ka jeedi-doono
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 07 February, 2016: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa maanta la filayaa in uu maanta hortago Golaha Baarlamaanka Federaalka, iyadoo Guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay in fadhi aan caadi aheyn maanta yeelanayaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari ” ayaa sheegay in codsi soo gaaray Xafiiskiisa oo ka yimid Madaxweynaha, si uu Baarlamaanka u hor-yimaado.

“Waxaa Xafiiska soo gaaray codsi ka yimid Madaxweynaha, inuu Golaha Baarlamaanka hor-yimaado, maanta waxaa jiri doona fadhi aan caadi aheyn, Madaxweynaha khudbad ayuu ka jeedin doonaa Golaha, waxaa ka codsanayaa Xildhibaanada inay dhaqse hore yimaadaan”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbada uu ka hor-jeedin doono Baarlamaanka uu yahay mid uu uga hadli doono xaalada dalka iyo marxalada kala guurka ee la geli doono, waxaana uu ka warbixin doonaa qodobadii ka soo baxay shirkii Madasha wadatashiga qaran ee lagu go’aamiyay nooca doorasho ee dalka ka dhacaya.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay hor-yaalaan Hindise sharciyeedyo dhowr ah oo la doonayo in la meel mariyo, isagoo xusay in shaqo adag ay u taallo Baarlamaanka, ka hor inta aan xilligiisa dhamaan.

Bisha Agosto kadib ayaa la qorsheynayaa in la soo dhiso Baarlamaan cusub oo bedela Baarlamaanka hada jira, iyadoo Baarlamaankaas ay soo dooranayaan Guddoomiye Baarlamaan, Labadiisa Kuxigeen iyo Madaxweyne.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment