3522 Views

Maxkamad Kutaal Malta Oo Xukun Ku Ridey Wiil Soomaaliyeed.

Maxkamad Kutaal Malta Oo Xukun Ku Ridey Wiil Soomaaliyeed.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 07 February, 2016: Maxkamad kutaal Jazeeradda Malta ayaa waxa ay 21 jir u dhashay Soomaaliya ku xukuntay xabsi labo sano ah iyo ganaax lacageed oo dhan 2,300 oo Yuuro, kadib markii lagu eedeeyey inuu kaxayey gaadiid uusoo xaday isagoo aan lahayn laysin uu gaadiid ku kaxeeyo.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa lagu eedeeyay inuu xaday gaari Arbacadii lasoo dhaafay magaalada Munxar uuna kaxeeyay gaariga oo aan la laheyn Ceymis , kadibna uu burburiyey saddex gaari oo kale kadib markii uu shil lagalay. Kadib dacwaddii loosoo jeediyey maxkamadda muwaadinka Soomaaliyeed ayaa maxkamada horteeda ka qirtay dhamaan eedeymaha loo jeediyay, oo ay kamid yihiin inuu si sharci daro ah u kaxeeyay gaariga, kadibna uu gaarigaasi lagalay shil oo sababay khasaare burbur iyo baabi’is hanti dadweyne.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment