6219 Views

War Saxaafaddeed: Siyaasadda Qaran ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya

War Saxaafaddeed: Siyaasadda Qaran ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 07 February, 2016: Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa maanta soo bandhigtay Siyaasadda Qaran ee ku wajahan Arrimaha Dibadda.

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa lagu sheegay in siyaasadda Arrimaha Dibadda ay ku dhisan tahay tiirarka xoojiya nabadgelyada iyo ammaanka qaran heer gobol iyo heer caalami ah.

“Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxa ay ku dhisan tahay tiirarka xoojiya nabad-gelyada iyo ammaanka qaran ee heer gobol iyo heer caalami ah, iyadoo ka qeybgal rasmi ah laga sameynayo diblomaasiyadda laba geesoodka iyo midda dhinacyada badan . oo uu barbar socdo fulinta waajibaadka la xiriira balamada, heshiisyada caalamiga iyo dhiirigelinta howlaha ganacsi iyo dhaqaale si loo gaaro horumar waara.”

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay inay sharaf u tahay in ay Caalamka u bandhigto Siyaasadda Qaran ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya

“Waa Markii ugu horeysay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la qoray, laguna saleeyay howl wadajir ah oo hubineysa nabadda , horumarka iyo barwaaqada gobolka iyo caalamka . dhabahan waa mid u suura-gelinaya Soomaaliya inay wax wadaag faa’ido leh sameyso si dawo loogu helo caqabadaha balaaran ee hortaagan dunida maanta sida horumar waara , ilaalinta deegaanka ,xuquuqda aadanaha iyo ka hortagidda argagaxisada.”

Qoraal saxafadeedka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka guul keentay ujeedooyinka Siyaasadda Arrimaha Dibadda, iyadoo la shaqeyn doonta dhamaan dowladaha iyo ururada wax wadaagaan.

“Soomaaliya, iyadoo ka guul-keeneysa ujeeddooyinka Siyaasadda Arrimaha Dibadda, waxa ay la shaqeyn doontaa dhammaan dowladaha iyo Ururada wax wadaaga kala dhaxeeya si loo hubiyo fulin guul huwan oo ku qotanta aragtideena, si loo gaaro horumar qaran, mid gobol iyo mid caalami ah”ayuu lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Ugu dambeyn Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa la sheegay inay tahay mid cad, lehna dhex dhexaadnimado iyo waajib gudashadeeda ee ah ilaalinta Madax banaanida , qaranimada iyo midnimada Umadda Somaaliyeed.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment