12231 Views

Chelsea vs Man UTD oo kala jabsaday 3 dhibcood ee horyaalka Ingiriiska

Chelsea vs Man UTD oo kala  jabsaday 3 dhibcood ee horyaalka Ingiriiska
____________________________________________________________________________
Muqdisho | QOL | February 7, 2016 – Kulan adag oo la wada sugayay kana Tirsanaa Meertada 25 ee Horyaalka Ingiriiska 2015-2016 ayaa waxa uu dhexmaray 2 naadi ee xifaaltanku ka dhaxeeyo Chelsea iyo Man Utd waxaana Ciyaartaan oo aheyd mid adag ay ku soo idilaatay waqtigii loogu talagalay 1-1 iyadoo kooxda Martida loo ahaa ee Chelsea ay Goolka barbaraha la timid Daqiiqadii 90 ee Ciyaarta waxaana u dhaliyay laacibkodoa 19 Diego Costa oo baas cajiiba ka helay Xidiga ay isku jaalka yihiin e Fabrigas oo qaata lambarka 4 kana ciyaara qadka dhexe.
Man Utd ayaa goolka ku hormartay Daqiiqadii 61 waxaana gool qurux badan u dhaliyay Xidiga da,da yar ee lagu Magacaabo Lingard.
intii ciyaartu socotay Labada Naadi waxa ay iska lumiyeen Fursado qaali ah,iyadoo labada Goolhaye ee Chelsea iyo Man utd una kala dhashay Dalalka Biljem iyo Spain ay Badbaadiyeen kubado goolal loo fishay.
Naadiyada Chelsea iyo Man utd oo kala leh 30 Dhibcood Chelsea iyo 41 Man utd ayaa  kaalimaha 13 iyo 5 waxa ay kaga kala jiraan xaga dhibcaha Horyaalka Ingiriiska 2015-2016 ee Maraya Meertadiisii 25,waxaana labada Koox kala wata Tababarayaal Ruug Cadaa ah isla markaana Holland ka soo kala jeeda Waa Guus Hidinnk ( Chelsea )  iyo Luwis Vangaal ( Man Utd)
Dhinaca kale Naadiga  Arsenal ayaa 2-0 isaga reebay Kooxda xili ciyaareedkaan 2015-2016 ka tiimid Heerka 2 Naadiga AFC Bournemouth oo ay marti u ahaayeen,waxaana Arsenal 2 gool u dhaliyay Ozil iyo Chemberlain qeybtii hore ee Ciyaarta.
Xaga kala horeynta Dhibcaha waxaa 53 dhibcood ku horkaceysa Kooxda Leicester City ,waxana ku xigta Totenham oo leh 48 dhibcood halka Kaalimta 3 ay soo degtay Kooxda Arsenal oo leh 48 Dhibcood balse goolal ay uag horeyso Totenham,Kaalinta 4 iyo 5 waxaa ku kala jiray 2 naadi ee isku Magaalada ah Man City iyo Man Utd oo kala leh 47 Dhibcood iyo 41 Dhibcood.
.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment