3351 Views

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo dib ula wareegay Marka

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo dib ula wareegay Marka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 08 February, 2016: Wararka na soo gaaray ayaa sheegay in Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay saaka mar kale la wareegeen magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii saddexdii maalmood ee u dambeysay ay gacanta ku hayeen Xarakada Al-Shabaab.

Tan kale wararku sheegayaan ciidamada ayaa si nabad kula wareegay magaalada, markii Al-Shabaab ka baxeen, waxaana ciidamada gudaha u galay Marka ay ahaayeen ciidamo Milateri oo shalay ka baxay Muqdisho, kuwaasoo ku hubeysnaa gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ah.

Ciidamadan ayaa waxaa hogaaminayay Saraakiil dhowr ah oo uu ku jiro Abaanduule kuxigeenka ciidamada xooga dalka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamadan xalay ku hoydeen dhanka sarta Ayuub ee koofurta magaalada, halkaasoo horay ugu sugnaayeen Ciidamada AMISOM.

Dadka qaar ka mid ah deegaanka Marka oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in xaalada ay tahay mid degan, isla markaana gudaha iyo daafaha magaalada ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Shalay ayaa dagaal xoogan uu ka dhacay deegaanka Buufow oo kaabiga ku haya magaalada Marka, waxaana dagaalkaas uu dhex maray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay gaadiid dagaal oo qori dhashiike uu saarnaa oo ay ka qabsadeen ciidamada dowladda iyo meydadka askar ka tirsan ciidanka dowladda.

Xaalada magaalada Marka ayaa tan iyo jimcihii aheyd mid jahwareer ka jiray, isla markaana saacado magaalada gacanteeda isu bedeshay, markii ciidamada dowladda iyo AMISOM ka baxeen, waxaana sabtidii ay hadana mar kale dib ugu noqdeen, balse ma sii xajisan gacan ku heynta magaalada, Al-Shabaab ayaa dib mar kale u qabsatay sida la sheegay.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment