7134 Views

MAQAALO LAGU SOO QORAY WEBSITE-KAN, OO AQOON KORORSI U NOQDAY?

MAQAALO LAGU SOO QORAY WEBSITE-KAN, OO AQOON KORORSI U NOQDAY?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 8, 2016 – Maqaalo lagu soo dabacay WEBSITE-KAN QARANIMO, kuna qornaa Luqada English-ka, ayaa aqoon kororsi u noqday Beesha Caalamka, sida ay noo sheegeen shaqsiyaad la shaqeeya Beesha caalamka, taasina waa GUUL u soo hoyatay umada Somaaliyeed iyo Website-ka Qaranimo-online.

Maqaaladaas ayaa waxay ku saabsanayeen Midnimada umada Somaaliyeed iyo sidii loo soo celinlahaa Amniga guud, waxaana si cad loogu Edeyey ama loogu Dhaliilay in ay Beesha  Caalamka hortaagan tahay MIDNIMADA iyo XASILOONIDA Somaaliya, iyagoo fushanaya dannahooda gaarka ah.

Hadaba ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midobay, wuxuu si cad u sheegay in aysan wax faragelin ah kulahayn siyaasada Somaaliya Dowlado shisheeye, isagoo yiri sida ay QOREEN Saxafada Somaaliyeed “waxaan cadaynayaa in aysan wax faragelin ah ku lahayn Beesha Caalamka Siyaasada Somaaliya, ayna tahay Arin u taala Siyaasiyiinta Somaaliyeed sidii isbedel muuqda loogu Samayn lahaa, Siyaasada walaacsan ee ka jirta Somaaliya waqtigan”, umada Somaaliyeed waxay u bahantahay in ay hesho NABAD iyo XASILOONI waarta, waana in mowqif isku mid ah laga gaaro sidii ay ku suuro geli lahayd DOORASHADA soo socota”, waxaan si cad u garabtaa ganahay dariiqa ugu fiican ee lagu xalin karo kala duwanaanshaha u dhexeeya Siyaasiyiinta Somaaliyeed”.

Ugu dambayn, hadalada kasoo yeray ku xigeenka Xoghaya Guud, ma waxaa “Qowda maqashii, waxna How qaban”, mase waa isbedel RUN ah oo ka yimid dhinacooda, kadib markii ay arkeen Maqaalo badan oo ay QOREEN Aqoonyahano Somaaliyeed oo ku kala nool daafaha Aduunka, qoraaladaas oo inta badan lagu Cambaaraynayo ama lagu Dhaliilayo qaska ay ku hayso Beesha Caalamka Xal u helida iyo  Xasiloonida Somaaliya.

Waxaa lawada ogyahay in ay jiraan Shaqsiyaad Somaali ah oo isugu jira noocyo kala duwan oo loo adeegsado Qaska Siyaasadeed ee ka jira Somaaliya, markii baaris lagu sameyey dadkaasi waxaa la ogaaday intooda badan in ay yihiin dadka wax ku soo bartay Dibadaha iyo kuwo yar oo kunool dalka Gudahiisa oo aan lahayn Aqoon ay ku fahmikaraan DHAGARTA Beesha Caalamka ay ku hayso Siyaasada Somaliya, waxaana horay looyiri DOQONOW “ninaan kuufuri doonin, yuusan kuu Rarin Owrka” oo macnaheedu yahay nin aan dan kalahayn dalkaaga iyo dadkaaga yuu kugu shaqaysan isagoo fiirsanaya danahiisa gaarka ah.

Ugu dambayn Somaalidu waxay tiraahdaa “Sedex waa waan santahay, Sedexna waana ayey u baahan tahay”

  • Ninkii DILAY walaalkiis waa waan sanyahay, lakiin kan RABO in uu dillo walaalkiis ayaa waana u baahan.
  • Nin Gumaysi soo ARKAY waa waan sanyahay, laakiin kan aan weli garan DHAGARTA Gumaysiga ayaa waana u baahan.
  • Nin Qurba tagay waa waan sanyahay, laakiin kan raba in uu tago  HADA ayaa waana u baahan.

Ana waxaan ku daray midan oo aan leeyahay,

Waa Ninkii Garashadeed leh, “Ninkii ay DHIBAYSO Somaali dhibka ay ku jirto Gudaha iyo Dibadda waa waan sanyahay, laakiin waxaa waana u bahaan KAN weli loo adeegsanayo in uu kala DAADIYO Midnimada Dadkiisa iyo Dalkiisa”

War iyo dhamaan waxaan sugaynaa JAHADA loo wadi doono Siyaasada umada Somaaliyeed oo noqotay “nin bukow boqoli kuu talisay”, waxaa CIIL iyo CALOOL XUMO ah, Siyaasigii aad istiraahdo maanta waxaa la helay mid umada wax u tara, waqti kadib waxaad arkaysaa isagoo kasii LIITA kuwii ka horeeyey!.

Allaha u naxariistee Sh. Cumar Faaruuq ayaan waqti hore waydiyey Su’aal ahayd Maxaa loo la’yahay Shaqsiyaad umadan ka saara DHIBKA?, Allow kuu NAXARIISO wuxuu yiri “Weligaa waxaad maqlaysaa SHALAY ayaa FIICNAYD ee ma maqli doontid MAANTAA FIICAN, Siyaasiyiinta Somaaliyeedna waa noocaas, midba midka uu ka dambeeyo waa ka sii LIITAA ee Taariikhda dib u raac”.

Waxaan aad iyo aad ugu MAHAD CELINAYNAA aqoonyahanadii Qoray maqaaladaas wax ku oolka ah ee is bedelka ku sameyey Ra’yiga Beesha caalamka, waxaana leenahay idinkoo Mahadsan dadaalka Halkiisa ka sii wada, inta ay Somaali ka XUROOBAYSO Dhagarta Gumaystaha. 

.

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment