3435 Views

Somaliland Oo Diyaar U ah Wada Hadaladii Kala Dhexeeyey Dowladda Federalka.

Somaliland Oo Diyaar U ah Wada Hadaladii Kala Dhexeeyey Dowladda Federalka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 08 February, 2016: Mudane Sacad Cali Shire oo ah Wasiirka Arimaha Dibada Ee Soomaaliland, ayaa ka hadlay wada-hadaladii Mudada soo jiitamayey oo u dhexeeyey Dawlada Federaalka Soomaliya Iyo soomaaliland wuxuna tilmaamay inay muhuum tahay in la Dar-dar geliyo wada-hadalada labada dhinac.

Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay Somaliland diyaar u tahay sii socoshada wada-hadalada isagoo ka dhawaajiyay in ay arintaasi tahay lagama maarmaan ayna Somaliland ka dhabaynayso dhankeeda. Wada-hadalada U dhexeeyey Dawlada Federaalka Iyo Somaliland ayaa mudo dheer soo jiitamayay iyadoo dhawr jeer ay isku hor fadhiisteen dalal debeda ah sida Turkiga Iyo Jabuuti balse aan ilaa iyo hada wax horumar ah laga gaadhin.

Labada dhinac ayaa mudooyinkii u dambeeye Warbaahinta isu marinayey hadalo Xanaf leh una muuqday kuwo abuuri kara khilaaf iyo kala fogaansho hor leh oo labada dhinac sameeyn ku yeelan karto.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment