3567 Views

Ururka NUSOJ Oo Uu Muran Xoogani Ka Taagan Yahay Weli.

Ururka NUSOJ Oo Uu Muran Xoogani Ka Taagan Yahay Weli.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 08 February, 2016: Dacwad ay qaadday maxkamadda oo u dhaxaysay NUSOJ iyo Wasaaradda warfaafinta waxay go’aan ku gaartay in Xoghayaha Guud ee NUSOJ uu yahay Cumar Faaruuq Cismaan Isla markaana go’aanka 2011 lagu sheegay in xilka looga qaaday aanu waxba ka jirin. Dhanka kalena waxaa maxkamaddu go’aamisay in aanay waxba ka jirin oo si sharci ah aan loo dooran Maxamed Ibraahim Isaaq ” Bakistaan, oo la sheegay in lagu soo doortay doorasho ay sameeyeen madaxda warbaahinta magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya. Haddaba go’aanka maxkamada ayaa waxaa qaaday Xog’hayaha Ururka NOSOJ Maxamed Ibrhaamin Bakistaan, wuxuuna sheegay inuusan raacsaneeyn go’aanka maxkamadda, laguna soo doortay hab sharci ah.

Arrintaan oo weli la isku qilaafsanyahay ayaa la dhowrayaa halka ay ku dhamaato.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment