80178 Views

WAA QISO KU SAABSAN DHACDO RUN AH.

WAA QISO KU SAABSAN DHACDO RUN AH.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 8, 2016 – Aqristow waa Qiso dhexmartay qof dumar ah iyo aniga soo qoray maqaalkan, waxayna u dhacday sidan, waxaana filayaa in ay  DHACDADAN noo noqoto Shaqo Guri (home work) oo u bahan in wax laga qabto.

Waa goor subaxa waduna waa JAM ama waa Mashquul, waxaan soo istagay goob lagu baaro gaadiidka, waxaa i hortaagan dhowr gaari safkuna waa dheer yahay, waxaa jira gaari raba in uu u LEEXDO dhinaca aan taganahay, lakiin meesha uu rabo in uu ka Leexdo waxaa ku adan Gaariga iga horeeya, aniga shaqsi ahaan waan jeclaa in gaarigaas la siiyo wado, silo fududeeyo Jaamka.

Waxaa ii timid qof DUMAR ah oo ka  mid ah kuwa ka TUUGSADA jidka, waxayna igu tiri “Gadaal u bax si gaarigan kaa horeeyo u soo durgo, kadibna jid loo siiyo gaaringan leexanayo, warkii waan AJIIBAY gadaal ayaan u durgay, gaarigii waa gudbay” waxaa dib iigu soo noqotay qofkii dumarka ahaa waxayna igu tiri “SADAQO ISII, waxaan ku iri adiga Shaqo aad ku FIICANTAHAY ayaa laguu hayaa ee iska dhaaf Tuugsigan,  waxay tiri waa shaqo noocee ah, waxaan ku iri sida aan kaa arkay, waxaad ku FIICANTAHAY in lagaa dhigo Ciidanka TARAAFIKADA, waayo waxaan ka helay sida aad u kala HAGTAY Gawaarida, waxay tiri MAYA MAYA aniga shaqo dhibyar ayaan haystaa, ma rabo shaqo dhib ah, waxaan ku iri maanta oo dhan waxaad tagantahay JIDKAN iyo Qoraxda sow dhib kuguma aha, waxay tiri shaqadan waa SAHAL, waxaan iri MEEQO LACAG ah ayaa ku soo GASHA Maalintii?, waxay tiri waxaan helaa 60000 kun Sh. S ah ilaa 100,000 kun Sh. S ah maalintii oo u dhiganta ($4.50 us), waana nolol maalmeed igu filan,  waayo, BUSHKA aan daganahay BISHII lacag ayaan ka qaataa oo HAY’AD ayaan ka diiwaan gashanahay, ee SADAQO isii warka badan iga dhaafe”.

Waxaa isla goobtii dhinaca kale iga soo istagtay Gabar yar waxayna igu tiri Sadaqo isii “waxaan ku iri ADEER meeqa sano ayaad jirtaa?, waxay igu tiri waxaan jiraa 13 sano, waxaan ku iri ka waran hadii lagu GEEYO iskuul Xanaano ah oo aad wax ka barato, Cunto iyo Jiif fiicanna lagu siiyo?, waxay tiri marabo SAAN AYAA ii fiican, waxaan ku iri ma ogtahay qof yar oo mustaqbal leh inaa tahay, waxay tiri shaqo waa haystaa, wax barasho marabo, waxaan ku iri away waalidkaa? Waxay tiri Abahay dhobay ayuu jiraa, Hoyadayna Jidkan ayaan isla joognaa, Lakiin maanta waxay XANUUN SANTAHAY ee sadaqo isii adeer, waan kuu ducaynayaa!, waxaan ku iri meeqo lacag ah ayaad Heshaa maalintii, waxay tiri ilaa 70 kun ama  ilaa 100 kun, waxaan ku iri hadii aad ka cunto QADO lacagtaas maxaa kuu haraya?, waxayna tiri waxba banaanka kama CUNO, hadii dad isiiyaan raashin waa cunaa, laakiin habeenkii lee ayaan wax CUNNAA guriga!!!.

Runtii Gabadhaas yar waxaa ka muuqatay DURUUF aad u adag JIR ahaan iyo DHAR ahaanba, waxayna  si dhab ah u AAMINTAY in Camalka ay ku jirto u fiicanyahay, waana sida ay ka aragtay, waalidkeed iyo caruurta ay isku Jiilka yihiin, laakiin waxay Halis u tahay in ay ku dhacdo gacan aan lahayn NAXARIIS!!!.

Ugu dambayn arintan Murugada leh, waxay dib u dhac iyo Mustaqbal La’aan ku haysaa Jiil badan oo wax badan u tari lahaa horumarka Dadka iyo Dalka, waxaana taas ka siidaran in la siiyo Lacago lagu marin habaabinayo Mustaq balkooda, iyadoo Caalamka loo sheego waxaan caawinaa dad masaakiin ah!!!

Fikirka ugu fiican ama Saliimka ah, waa in dadkaas loo jiheeyaa dhinaca wax soo saarka iyo Waxbarashada, lagana qayb geliyaa horumarka, si loo helo bulsho isku kalsoon Niyad ahaan, kana madax banaan in si SAHLAN hunguri lagu raadiyo ama la baro dadka dhaqanka musuqa iyo shaqo nacaybka.

.

.

Qaranimo Online |  Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment