3654 Views

“Ahlusuna Miiska Wada hadalka ha yimaadaan, waa dhamaatay waqtigii Qoriga”

“Ahlusuna Miiska Wada hadalka ha yimaadaan, waa dhamaatay waqtigii Qoriga”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 09 February, 2016: C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo shalay gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa ugu baaqay Culumaa’udiinka Ahlusuna inay Nabada qaataan, oo ay yimaadaan Miiska wada hadalka.

Odawaa, ayaa ka codsaday Madaxweynaha Galmudug inuu culeyska saaro xalinta khilaafaadka, isla markaana Ururka Ahlusuna ee fadhigoodu yahay Dhuusa Mareeb inuu wada hadal la galo.

“Madaxweyne waxaa kugu dhiira gelinayaa in culeyska la saaro arrinta Dhuusa Mareeb, gaar ahaan Ahlusuna intii aan dhisida Maamulka Galmudug ku jirnay wada hadal dheer la galnay, waxaa aaminsanahay in kuwa jooga Dhuusa Mareeb ay reer Galmuug yihiin, miiska wada hadalkana yimaadaan”ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay dhamaatay waqtigii qoriga wax lagu raadinayay, isagoo ugu baaqay Culumaa’udiinka Ahlusuna wax kasta oo ay tabanayaan ku raadiyaan wada hadal iyo wada xaajoot.

“Waa dhamaatay waqtigii nin qori leh uu meel ku heysanayay, kooxda joogta Dhuusa Mareeb waxaa leenahay qori waqtigii waa dhamaaday, waxaa soo haray qori is qarxinaya, kaas ayaa la rabaa in dalka laga qabto ee garab ha u noqonina, wixii aad tabaneysaan wada hadal ku raadiya, caqliga ha shaqeeyo”ayuu yiri Wasiir Odawaa

Wada hadalo u dhaxeeya Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa lagu wadaa inuu dhowaan ka bilowdo Gobolka Galgaduud, in kastoo an la ogeeyn waxa ka soo bixi-doono.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment