4677 Views

Ciidamada DF Somalia oo xalay ku hoyday magaalada Marka

Ciidamada DF Somalia oo xalay ku hoyday magaalada Marka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 09 February, 2016: Wararka naga soo gaaraya magaalda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in ciidammada dawladdu ku sugan yihiin bartamaha magaalada oo maamlihi danbeyeeyay ay gacanta ku hayeen ururka Al-Shabaab.

Ciidammo kamid ah kuwa milatariga dawladda, ayaa shalay qabsaday Marka iyadoo ciidamada qabsaday ay ka soo dhaqaaqay deegaanka Buufow oo ah duleedka Marka waxa ayna gudaha u galeeen  magaalada iyaga oo aan la kulmin wax iska caabin ah.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in ay arkayeen gawaarida dagaalka ee ciidamada dawladda oo gaaf wareegaya xaafadaha magaalada iyadoo mararka qaarna la maqlayo rasaas.

Ciidamadii Al-Shabaab ee ka baxay Magaalada Marka ayay wararku sheegayaan in aanay ka fogeyn halkaasi, waxana dadka deegaanku ka baqayaan in xili kasta uu magaalada iska hor imaad ka dhaco.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment