4191 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka baaqday safarki Beledweyne

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka baaqday safarki Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 09 February, 2016: Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta lagu waday inuu safar ku tago magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa safarkiisa baaqday, sababo aan wali la shaacin, iyadoo labadii maalmood ee u dambeysay la hadal hayay inuu tagi doono Beledweyn, si uu u xoojiyo dadaalada la doonayo in dib loogu ambaqaado shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo hakad ku jira.

Wararku sida ay sheegayaan Madaxweynaha ayaa la filayay in odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan kala hadlo, sidii ay uga qeyb geli lahaayeen shirka Maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo gogoshiisa ay taalo Jowhar.

Wafdi isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo siyaasiyiin ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Beledweyn, iyagoo beelaha dega gobolkaas la lahaa kulamo wada tashi looga arrinsanayay muranka ka taagan shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dadka qaar ayaa sheegaya in aan wali si afagard laga gaarin shirarkii ka socday Beledweyn ee lagu qancinayay beelaha gobolka inay tagaan Jowhar, ayna wali diidan yihiin, taasna ay qeyb ka tahay dib u dhaca Madaxweynaha.

Qaar ka mid ah Beelaha dega Gobolka Hiiraan ayaa qaadacay shirka maamul u sameynta, halka kuwa kalena ay saluugeen habka Wasaaradda Arrimaha Gudaha u qeybisay odayaasha soo xulaya ergooyinka iyo tirada beel walba la siiyay, taasoo sii adkeysay habsami u socodkii shirka maamul u sameynta.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa dadaal ugu jiray sidii loo qancin lahaa beelaha, isla markaana tabashada jirta loo xalin lahaa, hase ahaatee waxaa muuqata in aan wali xal laga gaarin cabashooyinka iyo muranada ka taagan shirka maamul u sameynta labada gobol.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa dadaal ugu jirtay maalmihii la soo dhaafay sidii loo xareyn lahaa odayaasha, iyadoo ku guuleystay 60% dadaaladii ay waday, balse wali waxaa diidan beel ka mid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan oo gebi ahaanba saluugsan habka wax u socdaan, horayna u qaadacday furitaankii shirka.

Ergooyinkii ku sugnaa magaalada Jowhar ee ka yimid Gobolka Hiiraan iyo Muqdisho ayaa ka tagay magaalada, tan iyo markii Wasaaraddii Arrimaha Gudaha ay shaacisay tirada xubnaha beelaha ee odayaasha soo xulaya ergada shirka.

Madaxweynaha oo 12-kii bishii hore ka furay magaalada Jowhar shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa ugu baaqay beelaha dega labada gobol inay sameystaan maamul ay u dhan yihiin, isla markaana ka mid noqdaan maamulada federaalka ee dhismaya.

Dib u dhaca wali ku jira Shirka Maamul u sameynta labada gobol ayaa meesha ka saartay hamigii laga qabay in Madaxweynaha ka soo bixi lahaa Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe inuu ka qeyb galo shirka la filayo in dhamaadka bishan uu ka dhaco dalka Turkiga, oo ay ka qeyb galayaan dowladda Federaalka, Maamul goboleedyada iyo qeybaha bulshada, kaasoo lagu dhameystirayo wadada loo marayo hanaanka doorashooyinka sanadkan ka dhacaya Wadanka oo dhan.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment