3477 Views

Shir Lagu Midaynayo dhamaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo Ka Furmaya Muqdsiho.

Shir Lagu Midaynayo dhamaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo Ka Furmaya Muqdsiho.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 09 February, 2016: Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furmaya shir lagu midaynayo guud ahaan ciidanka booliska Soomaaliyeed, sida uu sheegay taliyaha ciidanka booliiska Soomaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud. General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay in shirkaasi ay ka qayb galayaan dhamaan wasaaradaha amniga ee maamul goboleedyada dalka iyo wasaarada amniga ee dowlada Federaalka Soomaaliya.

Sida kalena, tiliyaha ayaa tilmaamay in ay rajo wanaagsan ka qabaan sidii lo tayayn lahaa ciidanka booliiska Soomaaliya ee ku kala sugan gobolada dalka, siiba maamulada dhisan iyo goboalda ay dowladdu maamusho.

Tan iyo intii la magacaabay taliyaha ciidanka booliiska Soomaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, wuxuu ku dedaalayey tayeynta ciidanka booliska, meel kasta oo ay Wadanka ka joogaan.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment