6828 Views

Taliyihii hore ee Nabadsugida Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ka war-bixiyay ammaanka garoonka

Taliyihii hore ee Nabadsugida Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ka war-bixiyay ammaanka garoonka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 10 February, 2016: Burhaan Cali Kaar, Taliyihii hore ee Nabadsugida Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay ammaanka garoonka iyo aqoonta uu u leeyahay ninka abaabulay qaraxii Diyaaradda Daallo, kaasoo ahaa nin in muddo ah garoonka ka shaqeynayay.

Burhaan Cali Kaar ayaa wareysi uu siiyay Idaacada VOA ku sheegay in amniga garoonka uu ahaa mid wanaagsan, balse uu jiray isku dhex yaac badan, hase ahaatee markii Turkiga garoonka yimaadeen aanay Nabadsugida qeyb ka siin sugida amniga iyo meelaha laga koontaroolo kaamirooyinka qarsoon.

“Amniga Garoonka waa iska fiicnaa, laakiin isku dhex yaac badan ayaa jiray, isku dhex yaacaas oo aan ogaa, nimankan Turkiga markii ay soo dhex galeen Garoonka cidna lama wadaagin wax kasta, ayaga ganacsi ahaan fiirsanayeen, Amniga Garoonka wuxuu qabaa kaamiro qarsoon oo ah CCTV oo weyn, meel walba qabaneysa, waxaa loo baahnaa in Sirdoonka garoonka jooga inay qeyb ka siiyaan, oo ay waardiyeeyaan waxa baxaya, waxa soo galaya iyo waxa la isku dhiibayo hadii ay jiraan, arrinka meesha uu ka qaldamay ayaa taas ah”ayuu yiri Taliyihii hore ee Nabadsugida Garoonka Muqdisho.

Mar la weydiiyay in Kaamirada qarsoon ee Garoonka inay la socdeen Nabadsugida ayuu xusay in Turkiga kaliya ay fiirsanayeen, oo aanay jirin Soomaalida kale ee daawanayay.

“Kaamirada CCTV meesha ay taallo marka hore dad Nabadsugida ka tirsan ma joogi jirin, waxa fiirsada waa Turkiga wax Soomaali ee fiirsada ma jirin, waxay aheyd in Nabadsugida dad la socda kaamiradaas ay jiraan iyo dad banaan u jooga, marka ay wax dareemaan durba qabta”ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyihii hore ee Nabadsugida Garoonka.

Burhaan waxaa uu sheegay in dadka laga rabo in howshooda qabsadaan ay tahay Nabadsugida iyo Booliska, isla markaana uu iyaga xil ka saaran yahay, isla markaana qofka wax baaraya ee ku sugan qeybta dadka la marsiiyo inuu noqdo qof ka tirsan Nabadsugida sida uu yiri.

Mar la weydiiyay mid ka mid ah dadka loo qabtay abaabulka qaraxii Diyaaradda Daallo ee lagu arkay muuqalada ay duubeen kaamirooyinka qarsoon ee garoonka ayuu sheegay inuu aqoon wanaagsan u lahaa, isla markaana horay uga tirsanaa Nabadsugida.

“Waagii aan joogay waa ila shaqeynayay, ninkan waxaa la dhahayay Cabdiweli, nin Nabadsugida ka tirsan ayuu ahaa, markii dambe wuxuu u wareegay SKA, marka hore qolada saadaasha hawada ayuu la shaqeeyay, wuxuu ka mid ahaa shaqaalaha ii koontaroolan, nin fiican oo shaqada ku wanaagsan ayuu ahaa, aniga wuxuu iiga yimid Nabadsugidii hore, markii la ii keenayay, wuxuu ii qaabilsanaa kormeerka, wuu na caawinayay maadaama Nabadsugida uu wax ka yaqaan, .

Sidoo kale mar la weydiiyay inuu horay aqoon u lahaa ayuu sheegay inuusan horay u arag, balse markii dhanka Dekeda uu ka yimid ay rag isaga saaxibo ahaayeen uu ku birtay.

“Wax laga filan karo ma aheyn, aniga kuma hubo waxaan, xan baa suuqa ku jirta, anigana waligey kama aanan filaneyn, aniga iyo isaga mar ayaa nala dili rabay, anoo meel u wada socono ayaa mishin ku dhacnay”ayuu yiri Taliyihii hore ee Nabadsugida.

Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa wali faraha kula jira baaritaanka qaraxii diyaaraddii Daallo, waxaana jira tuhumo kala duwan oo ku aadan shaqsiyaad lala xiriirinayo inay weerarkaas wax ka abaabuleen, waxaana xiran dad ka badan labaatan ruux oo loo haaysto falkaas.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment