4227 Views

Turkish Airlines oo ka hadashay sababihii baajiyay duulimaadkeedi Muqdisho

Turkish Airlines oo ka hadashay sababihii baajiyay duulimaadkeedi Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 10 February, 2016: Shirkadda Turkish Airlines ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababihii baajiyay duulimaadka ay ku tagi laheyd garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, ka hor inta uusan dhicin qaraxii ka dhacay Diyaaradda Daallo Airlines. taas oo ku laabatay Muqdisho.

Nin u hadlay Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airlines oo lagu magacaabo Yahya Ustun ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee VOA in duulimaadkooda Muqdisho loo joojiyay sababo la xiriira cimilada oo aan hagaagsaneyn.

Ustun ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal la weydiiyay oo ahaa inay ka war hayeen in qarax lala damacsanaa diyaaradooda iyo qofka is qarxiyay inuu heystay Tikidka diyaarada oo ay jireen khatar xaga amniga ah oo ku soo wajahneyd.

Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa ka codsatay Daallo Airlines 2-dii bishan inay u soo qaado rakaab kaga sugnaa magaalada Muqdisho, una keento garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti.

Labo maalmood ka hor inta aanu dhicin qaraxii lala eegtay diyaaradda Daallo Airlines ayaa la sheegay in Diyaaradda Turkish Airlines ay baaqatay, lamana ogeyn sababaha ay u baaqaneysay inay la xiriirtay cabsi dhanka amniga ah ama Hawada iyo cimilada.

Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa ah diyaarada kaliya ee Caalami duulimaad toos ah ku timaada garoonka diyaaradaha Adan Cade.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment