3615 Views

Xeer Ilaaliyaha Guud oo sheegay in Kenya damacday inay hor-istaagto dacwada ay ka gudbiyeen

Xeer Ilaaliyaha Guud oo sheegay in Kenya damacday inay hor-istaagto dacwada ay ka gudbiyeen
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 10 February, 2016: Dr. Axmed Cali Dahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay isku dayday inay hor-istaagto dacwadii ku saabsaneyd muranka xaga Badda ee ay u gudbiyeen Maxkamadda Cadaaladda ee fadhigeedu yahay dalka Holland.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Kenya ay gudbisay dacawad ah in muranka kala dhaxeeya lagu dhameeyo wada hadal, isagoo xusay in dacwada haatan ay hor-taallo Maxkamadda, isla markaana aysan jiri doonin wax wada hadal ah ee Soomaaliya ay qaadaneeyso.

“Sidaad la socotaan Umadda Soomaaliyeed waxa ay gudbisay dacwad quseeya muranka badda ee labada dal Qaanuuniyanna waxa ay ahayd in dowladda kenya ay ka soo jawaabto laakiin waxa ay keentay is hor istaag annagana is hortaaggaas ayaan jawaab ka bixinnay dacwaddana waan gudbinnay, waxa la dhageysanayana waa is hor istagga kenya ee Arrintan iyo Dacwaddeenna aan ku diidnay Is hor istaaggaas”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay inay ka go’an tahay in iyaga iyo Kenya ay ku kala baxaan Maxkamadda Cadaaladda.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan sheegtay in qaab wada hadal ah lagu dhameyn doono muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, tasina waxaa beeniyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment