4521 Views

Beesha Caalamka Oo Maanta Ka Baxday Garoowe Ka Dib Marki Puntland Ka dhega Adeegtay 4.5

Beesha Caalamka Oo Maanta Ka Baxday Garoowe Ka Dib Marki Puntland Ka dhega Adeegtay 4.5
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 11 February, 2016: Michael Keating, Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Somaaliya ayaa sheegay in uu Puntland kula kulmay Dawlad iyo Shacab isku mawqif ah, aysana suurta gal ahayn in laga dhaadhiciyo amaba lagu qanciyo nidaamka 4.5.

Keating ayaa kullankii ugu dambeeyey maanta la qaadan doona Madaxweynaha puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,iyadoo kullanka ka dib la filayo inuu iskaga huleeli doono Magaalada Garoowe ee Xarun Madaxeedka Puntland ka dib markii ay wax ogolaansho ah oo la xidhiidha 4.5 ka waayeen Bulshada iyo Dawlada Dhul udug oo ay Muddo 3 cisho ah isku hor fadhiyeen Garoowe.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa horey u diidey Nidaamkan kuna tilmaantay mid aan Diinta iyo Bini’aadanimada toona raad ku lahayn maadaama uu ku salaysan yahay Xaqiraad iyo kala saraysiin umadda Somaaliyeed sii kala fogayn karta.

Arrinta siyaasadeed ee Soomaaliya ma ha wax qurux, balse shacbiga ayaa go’aan ka gaari karo.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment