3759 Views

Ciidamada dowladda iyo AMISOM la wareegay deegaanka Biyo-Cadde ee Sh/Dhexe

Ciidamada dowladda iyo AMISOM la wareegay deegaanka Biyo-Cadde ee Sh/Dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 11 February, 2016: Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wada socda, ayaa saaka  si nabad ah kula wareegay deegaanka Biyo Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka ay sheegayaan in  ciidamo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka iyo dabaabaadka ay gudaha u galay deegaanka abaarihii lixdii subaxnimo.

Afhayeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciro ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen Biyo Cadde, iyagoo aan wax iska caabin ah la kulmin sida uu yiri.

Biyo Cadde ayaa magaalada Jowhar waxaa uu u dhanka waqooyi bari kaga beegan yahay 40-KM, halka degmada Mahadaay u jiro 25 KM.

Maleeshiyo deegaanka ah oo uu hogaaminayo Sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa muddooyinki dambeeyay ababaulo ciidan ka waday degmada Mahadaay, kaasoo ku wajahanaa deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Deegaanka Biyo Cadde ayaa caan ku ah Ganacsiga, waxaana todobaadkiiba maalinta jimcaha ka jira ganacsi xowli ah oo dadka isaga kala yimaada tuulooyinka ay u iib-keenaan xoolaha iyo alaabaha kale ee ganacsiga kal duwan

La wareegitaanka deegaankan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo magaalada Jowhar ay taallo gogosha madasha shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo beryaan jiitamaayay.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment