4008 Views

Abaaro ba’an oo laga soo sheegayo Puntland

Abaaro ba’an oo laga soo sheegayo Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 12 February, 2016: Abaaro baahsan ayaa laga soo sheeggayaa deegaano badan oo hoos yimaada maamulka Puntland ee Soomaaliya, taas oo ay ugu darantahay biyo la’aan iyo cunto yari.
Sida ay wararka sheegayaan, xaalad abaar iyo nolol xumi ayaa ka jirto tuulooyin badan oo hoos yimaado gobolka Nugaal gaar ahaan degmooyinka Dangoronyo iyo Eyl.

Wariyaal booqday deeganada ayaa soo arkay dhibaatooyin u badan biyo la,aan oo ay la ildaranyihiin dadka deegaanka, waxaana laga cabsi qabaa saameeyn xoogan in ay ku yeelato degmooyinkaas.

Soomaaliya ayaa waxaa sanadkaan laga cabsi qabaa abaaro in ay ku dhiftaan, kadib marki labadi sano ee lasoo dhaafay ay xilliyadi roobka ahaayeen kuwo aad ugu yar meela badan oo wadanka ka mid ah.

Laba todobaad ka hor, waxaa abaaro laga soo sheegay qeybo ka mid ah gobolka Gedo, halka gobolada dariska la ahna ay dadka qaar sheegayaan in ay jirto saan saan cunto yari iyo biyo la,aan ka muuqato.

Abaarti ugu xumeyd ee ku dhifata Soomaaliya ayaa aheyd tii sanadki 2011-ki markaas oo ay kumanaan kun oo ruux u dhinteen cunto la,aan, waxaa taasi ay keentay in aduunka uu usoo gurmado isla markaasna qaxooti uu ka dhasho.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment