3279 Views

Maxkamad Mareykan ah oo xukun ku riday wiil Soomaali ah

Maxkamad Mareykan ah oo xukun ku riday wiil Soomaali ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 12 February, 2016: Maxkamada ku taalla dalka Mareykanka ayaa danbi ku heshay, kaas oo ah  in uu teegroo u fidiyey kooxda Daacish.

Wiilkaan oo lagu macaabo Cabdirasaq Warsame oo ah wiil Soomaali Mareykan ah, deegaankisana ahaa magaaada Minneapolis ee gobola Minnesota ayaa loo qirtay danbi ah inuu dhalinyaro Soomaali ah oo iyana kasoo jeeda Minnesapolis uu ku dhiirigeliyey in ay u safraan dalka Syria iyo meela la mid ah.

Deeqa Xuseen oo ah hooyadi dhashay wiilkaan oo saakay u hadashay idaacada VOA laanteeda Af Soomaaliga ayaa sheegtay in ay ka xuntahay waxa qabsaday wiilkeeda.

Waxa kale oo ay sheegtay in qirashada danbiga ay aheyd mid ah go,aan ku gaareen iyada iyo wiilkeeda dood dheer ka dib.

‘’ Anaga ayaa go,aan ku gaarnay inuu runta ka sheego wuxuu sameeyey, marki aan ogaaday aad ayaan uga naxay mana rabin in arrintan ay igu dhacdo’’ ayey tiri hooyaadaan.

Ma ahan marki ugu horeysay oo ay Maxkamad Mareykan ah xakunto dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo heysto argagixisonimo, horraabti bishan ayey aheyd marki wiil Soomaali ah oo lagu eedeeyey inuu taageeray Al Shabab lagu xakumay xabsi 10 sana ah. Qaar kale oo Soomaali ah ayaa arrintaas oo kale u xiran.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment