3201 Views

Mid ka mid ah Ilaalada Xabsiga Dhexe oo loo xiray Shabaabnimo

Mid ka mid ah Ilaalada Xabsiga Dhexe oo loo xiray Shabaabnimo
____________________________________________________________________________

Muqdisho,12 February, 2016: Askari ka tirsan Ciidamada Asluubta, kana mid ah Ilaalada Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa xabsiga la dhigay, ka dib marki lagu tumay in uu ka tirsanyahay Al-shabaab.

Wararkaqaar sida ay sheegayaan Askarigan ayaa dhowr jeer amar la’aa ciidamada ka dhex baxay, xilliyo u badnaa habeenkii, isagoo lahaa howl shaqo oo laga doonayay in uu fuliyo.

Afhayeenka Ciidamada Asluubta Macalin Xasan Cali ayaa sheegay in askariga la xiray, kadib markii dhowr habeen uu xilli dambe shaqada ka tagay, isla markaana marar badan ay dhacday.

“Askariga hada xabsiga ayuu ku jiraa, wuxuu u xiran yahay tuhun, baaritaan ayaa ku socda, dhowr jeer ayuu saddex saac habeenkii shaqada ka baxay amar la’aan”ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Asluubta oo la hadlay Warbaahinta.

Waxaa uu sheegay in askariga u xiran yahay tuhun, balse waxaa uu meesha ka saaray warar soo baxayay oo sheegaya in askariga lagu qabtay bamb gacmeed.

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa waxaa ammaankiisa gacanta ku haya Ciidamada Asluubta, iyadoo xabsiga uu ku dhow yahay Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho, halkaasoo amnigeeda aad loo ilaaliyo habeen iyo maalin intaba.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment