4911 Views

Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo lagu soo kordhiyay eeyo qalabka baaro

Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo lagu soo kordhiyay eeyo qalabka baaro
____________________________________________________________________________

Muqdisho,13 February, 2016: Ka dib qarax uu ka dhacay gudaha Diyaaradda Daallo Airlines, taasoo la rumeysan yahay inuu ka dhashay Laptop ku jiray waxyaabaha qarxa oo uu qof ka mid ah rakaabka diyaarada watay, ayaa waxaa si xoogan loo adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Dowladda ayaa sheegtay inay adkeyneyso ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo dadka ka soo degaya iyo kuwa ka dhoofaya loo baarayo si adag oo ka duwan qaababkii hore ee la caadeeystay

Booliska sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano RRT ayaa ka qeyb qaadanaya baaritaanada, iyagoo adeegsanaya eeyo u tababaran urinta waxyaabaha qarxa iyo hubka.
Eeyahan ayaa baaraya aalabaha dadka ay wataan, sida Laptop, boorsooyinka dharka iyo agabyada kale ee kala duwan.

Sidoo kale marka uu qofka soo gudbo baaritaanka eeyaha ayaa waxaa uu hadana marayaa baaritaan kale oo ah mashiinka la maro, halkaasoo Laptop isagoo daaran la dhex marsiinayo.

In kastoo ayna kala cadeyn in mashiinka lagu baaro dadka inuu ku guuldareystay iyo in kale Laptop-kii loo adeegsaday qaraxii diyaarada, ayaa hadana waxaa soo baxaya in inta badan Mashiinada yaalla garoomada ku yaalla Afrika aanay aheyn kuwo ogaan kara qaraxyada nooca TNT.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment