3891 Views

Puntland oo soo Rogtay amar Fitna ah oo aan laga Fileyn

Puntland oo soo Rogtay amar Fitna ah oo aan laga Fileyn
____________________________________________________________________________

Muqdisho,13 February, 2016: Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa ka digtay in Badeecado laga soo dejiyay Dekadaha uusan maamulin ama lahayn maamulka Puntland in ka geeyo degaanada Puntland.

Arrintaan ayaa ku soo begmayso ayadoo diiday in la qaato habka 4.5 oo beryaan dambe Beesha Caalamka ku shuqlaneed in Puntland aay ku qanciso Gaas iyo Shabaka uu xukumo.

Agaasimaha waaxda Canshuuraha ee Wasaaradda maaliyadda maamulka Puntland Cali Jaamac Gaashaan ayaa sheegay in Hay’adaha qandaras qaatayaasha ah sida WFP aysan badeecado aan ka soo degin dkadda Boosaaso geyn karin degaannada Maamulka Puntland.

Waxaa uu sheegay in Dekadda Boosaaso ay dyaar u tahay in wax laga soo dejiyo, waliba Cnashuur dhaaf sameyso iyada oo taa la heli karana aysan Puntland aqbali karin in dekad aan hoostagin Puntland wax laga soo dejiyay la geeyo degaannadeeda.

Agaasima waxaa uu intaa ku daray in ay go’aanka qaateen oo Wasaaradda Maaliyadda,arrimaha gudaha iyo manigaba ay go’aan hore ka soo saareen laakiin aysan wali  joogsan,waxana uu sheegay in ay si deg deg ah wax uga qaban doonaan.

Dhanka kale waxaa uu Hya’adaha qandaraas qaatayaasha ah ku dhaliilay in ay qandaraas qaadayanaan iyaga oo aan awood u lahayn taas oo uu sheegay in  saameyn taban ku yeelatay ganacsatada kale,iyagana ay sharci ka soo saarayaan.

Dadka qaar shacbiga Soomaaliyeed ka mid ah ayaa is weydiinayo cadadka Dowladaha ka taliya Somaaliya int ay la egyihiin cadadkooda. Ganacsada xgeey raacayaan??

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment