7437 Views

GAROONKA JOMO KENYATA OO NOQDAY MEEL LAGU DHACO SHACABKA SOMAALIYEED.

GAROONKA JOMO KENYATA OO NOQDAY MEEL LAGU DHACO SHACABKA SOMAALIYEED.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 14, 2016 – Aqristow waa Qiso dhab ee isku day in aad baarto arimahan iyo kuwa la midka ah, adigoo u hiilinayo Shacabkaaga.

Warar aanu ka helnay Shaqsiyaad Shacab ah oo weliba DUMAR Somaaliyeed ah, ayaa loogu gaystay HANDADAAD, BOOB iyo DHAC Era borka dalka KENYA, iyagoo lagu handaday waan idinka SHAKINAY.

Waxaa si Naxariisdaro ah mar walba loogu dhacaa shacabka Garoonkan, hadii ay tahay LACAG ama Alabaha QAALIGA ah ee ay waytaan Shacabka Somaaliyeed , waxayna noqotay arintan mid ay BEECMUSHATAR ka suu biyaan shaqaalaha Garoonkaas.

Waqti laga joogo 2 ilaa 3 beri ayaa laba qof oo dumar ah lagu dhacay Garoonkaas, waxaana laga QAATAY LACAG iyo ALAABO QIIMA leh oo ay wateen, waxaana loo gaystay handadaad (intimidation) si ay u dhiibaan LAALUUSH, waxayna shaqaalaha Garoonkaas inta badan UGAARSADAAN dadka aan aqoonin Luqadaha English-ka iyo Sawaaxiliga.

Sida ay noo sheegtay qof ka mid ah labadan Dumar, waxay ka timid wadan kale waxayna TARANSIT ku ahayd Garoonka, iyadoo u soo socotay XAMAR, waxayna noo sheegtay sidan “ Ma aqaan Luqad Fiican, laakiin waxaan aqaan Ingiriis yar, waxaan u socday meesha Taransitka, waxaa ijoojiyey NIN iyo qof DUMAR ah, waxay i waydiiyeen xagee u socotaa, waxaan ku iri waxaan u socdaa Xamar, waxay igu dheheen waxaan rabnaa in aan ku baarno, waxaan ku iri Ok ibaara, waa kan Basaborkayga, waxay igu dheheen maya shaki kama qabno basaborkaaga ee ADIGA ayaan SHAKI KAA QABNAA!, ee nakeen, waan raacay, waxaa la igayey meel waxaa lagu iri “waxaan kaa rabnaa LACAG ama waa lagu XIRAA, waxaan ku iri hadii aad ixirtaan, waxaan wacanayaa SAFAARADAYDA, waxay igu yiraahdeen Ok adiga ayaa Ogolaandoono lacagta ee GAL qolkan, markii aan qolka galay waxaan ku arkay Gabar Somaaliyeed oo kaligeed ku jirta QOLKA, waan NAXAY, hadana WAA FARXAY, waayo waxaan ka cabsi qabay in ay kaligay i XIRTAAN”.

Gabadhii ayaa igu tiri Abaayo Adigana ma lagu soo XIRTAY, Alla nagaa DHIMANAY! Misidaana naloo gala, yaan u dacwoonaa, gabadhii ayaan ku iri goormaa lagu soo xiray?, maxaase lagugu soo XIRAY? Waxay tiri abaayo wax la igu soo xiray ma AQAAN, LUQADNA ma aqaan, waxaan soo maray dalal badan mana arkin wax IDHIBO ee ma garanaayo sababta la ii xiray oo sharcigayga waa SAX!!!.

Markii aan ku jirnay qolka qadar dhan 40 daqiiqo ayaa waxaa noo yimid qof ka mid ah dadkii naxiray, wuxuuna nagu yiri waqtiga ha is dhuminina ee qofkasta HADHIIBO $100 dollar, waxaan ku niri OK, waayo waxaan ka baqnay hadii ay dhahaan waxaan uga shakinay ARGAGIXISONIMO in ay meesha nagu sii hayaan, halkaas ayaan ku dhiibnay lacagtii, waana nala sii dayey, anagoo weli aad u baqayno.

Waxaa dhacday markii ay timid Xamar Gabadhii aan ka helnay xogtan, markii ay tagtay Gurigeeda ayaa waxay furtay Boorsooyinkii ay wadatay, waxayna aragtay Boorsooyinkeedii oo la JABSADAY, waxaana laga qaatay Allbo QAALi ah oo ay ka soo gadatay YURUB, waxayna sheegtay in ay ku fadhiyeen QIIMO dhan ilaa $600 dollar, waxayna Xaqiijisay in la Jabsaday intii lagu HAAYEY XABSIGA.

Alla Ciil badanaa!, Reera ba’ow yaa ku leh, Somaalidu waxay tiraahdaa “nin maqan tabidiis, waa nin jooga Ceebtiis”, waxaa hubaal ah manta hadii ay joogi lahaayeen Rag aan Ogahay in arintan ay jawaab  ka dhiibi lahaayeen, laakiin BAHDILKA loo gaysanayo shacabka waa nin jooga CEEBTIIS.

Ugu dambayntii waxaan leeyahay Ra’isulwasaraha, wasiirka Arimaha Dibada iyo Safiirka Jooga Kenya waa in ay si deg deg ah wax uga qabtaan Arimahan, hadii ay iska indha tiraana waxay noqon doontaa mid lagu xisaabtamo waqti kale, waayo Arinmaha noocan ah ee lagu sameeyo Shacabka ma aha wax qarsoodi ah, waana dhaqan uu arki karo qofkasta oo taga Goroonka Jomo kenyata ee dalka Kenya.

Anigan qoray maqaalkan,  waxaan marqaati ka ahay oo weliba aan ku qoray Xusuus Qor dhacdooyin lagu sameyey DUMAR XILDHIBAANO Somaaliyeed ah, oo aan saf kuwada jirnay, waxaana la socday dumarkaas waqtigii la HANDADAAYEY Xildhibaan CAAN ah oo aqoonyahan ah, waana isaga tagay markii uu arkay in Faraqa lahaysto dumarkaas Xildhibanada ah, isagoo Caawinkara ayuu ka dhaqaaqay, waayo isaga sifiican ayaa looga yaqaanay Goroonka, waxaana si SHARAFDARO ah loo qiima tiray BASABOORKII GADUUDNAA. (Our diplomatic passport)

Waxayna arintaas igu reebtay Xusuus aan weligay hilmaami doonin, insha’allaho waqti kale ayaan soo bandhigi doonaa Xaqiiqda arintaas.

.

.

Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment