8160 Views

Meydadka dhalinyaro Soomaali Tahriib ah oo Aas maamuus loogu sameeyay Talyaaniga

Meydadka dhalinyaro Soomaali Tahriib ah oo Aas maamuus loogu sameeyay Talyaaniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho,14 February, 2016: Dhalinyaro Soomaali oo ahaa Tahriibayaal ku geeriyooday xeebaha Talyaaniga ayaa hab maamuus aas loo sameeyay, iyadoo naxashka Meydka la huwiyay Calanka Qaranka Soomaaliyeed.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha talyaaniga, ayaa sheegay in Meydadkan ay arkeen markii ay badda soo tuftay, kadib markii todobaadkii hore doontii ay la socdeen ku degtay agagaarka Xeebaha Talyaaniga.

Meydadkan oo ahaa 13 meyd, ayaa waxaa aaska loo sameeyay waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Talyaaniga iyo Mas’uuliyiin ka socday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

Saxaafadda dalka Talyaaniga ayaa si aad ah u tabinayay aaskan oo si aad ah loo diyaariyay, iyadoo ubax la saaray naxashka meydadka, waxaana Mas’uuliyiinta Safaaradda Talyaaniga ay sheegeen in aas qaran loo sameeyay, maadaama ay ahaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Waqtigaan oo lagu jiro qaboobaha ayaa Badda Mediterreanka waxaa adag in doomaha ka samata baxaan ayna ka gudbaan, waxaana Badda mararka qaar ay isu bedeshaa sidii Baraf oo kale qaboowga dartiis

Sanadkan gudihiis ayaa waxaa gaaray Talyaaniga kumanaan ruux oo Tahriibayaal ah, iyadoo qul qulka dadka tahriibayaasha ay wadamada reer Yurub ka muujiyeen walaac iyo walwal.

meyd-aas-2 meyd-aas-1

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment