4848 Views

Asaaska Ciidanka Cirka Ee Soomaaliya Oo Sanad Guuradiisii 56aad Laga Xusay Magaalada Muqdisho

Asaaska Ciidanka Cirka Ee Soomaaliya Oo Sanad Guuradiisii 56aad Laga Xusay Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho,14 February, 2016: Mudane Maxamed Cumar Carte, Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka Dalka, ayaa maanta ka qayb-galay xaflad lagu xusayay sanad guuradii 56aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidamada Cirka Soomaaliya, munaasibadaas oo ay ka soo qayb-galeen Wasiiradda Gaashaandhiga, Cadaalada iyo dhamaan Hoggaanadda Ciidamada Qalabka sida. Hadal uu Munaasibadaasi ka jeediyay Mudane Carteh wax uu ugu horayn mahadnaq iyo salaan u gudbiyay guud ahaan ciidamada qalabka sida gaar ahaana kuwa Cirka iyo qoysaskooda oo uu ILAAHAY uga baryay in sanadkan kiisa ay ku gaadhaan barwaaqo iyo nabadgalyo. Ra’iisul W/ku-Xigeenku waxa uu ka hadlay muhiimada ay ciidamada Cirku u leeyihiin DFS iyo sida ay ugu baahan yihiin in la soo celiyo sumcadii iyo sharaftii ay hore u lahaayeen, waxaanu dhamaan u mahad caliyay saraakiishii ka soo qayb-qaatay halgankii Ciidamada Cirka, si gaar ah waxa u xusay haweenaydii ugu horeysay ee duuliye ciidamadda cirka ka noqotay Dhame Asli Calan-side. “Waxaan ka xumaha in xaruntii Wasaradda Gaashaandhigga iyo xaruntii Ciidamadda Cirka ay sidan u burbur-san yihiin, waxaan idinka codsanayaa in la dhiso xaruntaas oo sanadka danbe ay sidan ka duwanaato, si loo xuso taariikhdii ay lahayd. Dalkan waxyaabaha uu u burburay wax ka mid ahaa cadaalad xumo iyo siyaasad xumo waxana muhiim ah in ay inaga go’onaato inaanay taariikh xumadaasi mar danbe inagu soo laabaan”. Ciidanka Cirka ayaa la aas-aasay 1960kii iyagoo ka soo qayb-qaatay halgankii iyo horu-markii uu dalkani lahaa, waxaana si gaara loo xusi karaa kaalmadii ay ka gaysteen FATAHAADII dhacday 1962 iyo Abaartii daba-dheer ee 1974-kii, taas oo Soomaaliya oo dhan weli la xasuusto.

5c5f479c-e54c-47d0-989b-cb1a0e6e6d24unnamed-1-41unnamed-132 (1)unnamed-141

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment