5100 Views

SHACABKA OO CABASHO KA MUJIYEY NADAAFADA FOORNOYINKA LAGU SAMEEYO ROOTIGA.

SHACABKA OO CABASHO KA MUJIYEY NADAAFADA FOORNOYINKA LAGU SAMEEYO ROOTIGA.
____________________________________________________________________________

Aqristow waxaa mudan in la is waydiiyo, yaa laga rabaa in ay ilaaliyaan Xuquuqda Shacab, ma Ganacsatada mase Dowlada?

Waxaa  isbedel  iyo Hurumar cusub laga dareemayaa nolosha shacabka kunool Muqdisho, waxayna wal wal iyo walaac ka muu jiyeen Caafimaadarada ka dhalan karta Qaabka ay u Sameeyaan ama Loo xafido ROOTIGA iyo MACMACAANKA ay sameeyaan Fornooyinka ku yaal Muqdisho.

Warar aan ka helnay Shaqsiyaad ka shaqayn jiray Foornooyinka iyo Shacabka qaar mid ah, waxay dayro iyo walaac ka muujiyeen qaabka ay u diyaariyaan samaynta Rootiga iyo Macmacaanka kale in ay tahay qaab aad u liidata oo aan wafaqsanayn ilaalinta Caafimaadka iyo Tayada soo saarida Cuntada wax tarka u leh Shacabka ee inta badan la isticmaalo.

Waxaana la ogaaday in ay aad u liidato NADAAFADA weelasha lagu QASO Burka iyo Qaabka loo sameeyo,  iyadoo aan loo Nadiifin sida waafaqsan Sharciga, waxaa kaloo intaas sii dheer in Burka laga sameeyo ROOTIGA ama MAC MACAANKA uu yahay Bur ay aad  u liidato tayadiisa.

Waxaa jira dad badan oo ka raadiya NOLOL maalmeedka Rooti Jumla ah oo ay ka soo gataan Foornooyinka, waxayna ku wareejiyaan GAARI gacan, waxaadna arkaysaa Rootigii oo dulsaaran Gaari gacan mana saarna DABOOL ka celiya BUSTA iyo CAYAANKA dhaliya jeermiska (protection cover).

Waxaan maalin la kulmay nin dhalinyaro ah oo Rooti ku ii binaya Gaari dushiis wax dobool ah oo dusha kasaaran majirin Rootiga, waxaan ku iri Ninkii “ adeer maxaad BAC laga arki karo rootiga ugu dabooli waysay, si aysan ugaarin BUSTA ama wax yaabo kale oo HALIS ku ah Caafimaadka dadka” wuxuu igu yiri Adiga Rooti macuntaa?, waxaan ku iri Haa waa cunaa, laakiin ma aha mid ay ku dhacdo BUSTA, wuxuu igu yiri waxaad ka hadlaysaa Bus, waxaan indhahayga SAARAY bur loo diyaariyey in laga sameeyo Rooti oo ay ku dhex DHINTEEN Cayayaan aanan kuu sheegi Karin Magacooda oo lagu dubay, iyadoo aan laga saarin.

Ugu dambayn, Dowlada Hoose ee Gobolka Banaadir waa in ay dar dar gelisaa, sidii wax looga qaban lahaa si loo ilaaliyo FAYADHOWRKA Cuntooyinka daruuriga ah, waana in la adkeeyaa tayada RAASHINKA la keeno dalka (Quality Control), waayo waxaa jira Shaqsiyaad ka TAAJIRAY in ay dalka keenaan Raashin ay aad u liidato TAYADIISA, iyagoo ka fa’idaystay Tabaryarada dowladihii soo maray dalka.

Shacabkuna waa in ay mar walba iska fiiriyaan, tayada Raashinka ay gadanayaan, waxayna XAQ u leeyihiin in ay u celiyaan Dukaankii ama Baqaarkii ay ka soo gataan Raashin XUN, waayo Somaalidu waxay tiraahdaa “Ceyntii Xumaata ninkeedaa leh” oo macnaheedu yahay wixii xumaada ninkii laga soo gaday ayaa leh. Waana sida kaliya ee lagu dareensii karo Ganacsatada in ay Daacad u noqdaan dadkooda iyo dalkooda, maa daama uu san jirin SHARCI ay ka baqaan.

.

Qaranimo Online |  Muqdisho

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment