3942 Views

Wasiir ka tirsan DF Somalia oo arin ilbaxnimo lala yaabo ka sameeyay garoonka Muqdisho

Wasiir ka tirsan DF Somalia oo arin ilbaxnimo lala yaabo ka sameeyay garoonka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho,14 February, 2016: Wariye Max’ed Ibraahin Macalimuu oo shalay ka dhoofayay garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka sheegeeyay Wasiir uu ku sheegay Ilbax ee uu kula kulmay garoonka Aden Cadde, qaabkan ayuuna kaga sheegeeyay.

“Kadib dhacdadii lagu qarxiyay diyaaradii Daallo Airlines ee ka duushay Garoonka magaalada Muqdisho 2-dii Bishab Febraayo waxaa aad loo adkeeyay ammaanka garoonka Muqdisho iyadoo la soo kordhiyay baaritaano dheeraad ah oo cid waliba ay mareyso.

Shalay ayaa waxaan ka soo dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aden Adde, maadaama qalqal amni uu garoonka ka dhacay maalmo ka hor amniga aad baa loo adkeeyay ,eeyo carbisan ayaa baaryay boorsooyinka taasi ma ahan wax aniga shaqsiyan ugu cusbaa laakiin arinta i soo jiidatay waxa ay aheyd Wasiir min bilow ilaa iyo dhamaad feylka nagula jiray intii aan soo marnay oo idil .Aqoon gaar uma lihi Wasiirka, laakiin waa nin macruuf ah, hadda ka hor ayaan mar wareystay, dhowr jeer oo uu shir saxaafadeed qabtayna waa aan ka qeyb galay.

Waa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aden Fargeeto. Iga rumeyso Wasiirka min bilow ilaa iyo dhamaad shacabka ayuu dhex jiray waxa uuna la wadaagayay amarrada caadiga ah ee shacabka la siinayay, istaaga, dib u daga, soo dhaafa IWM, balse intaas oo idil Wasiirku hal mar afkiisa kama uusan soo bixin inuu Wasiir yahay, carruurtiisa ayuu daadihinayay.

Waxaa jiray xildhibaano baartitaanka marAyay hase yeeshee aan shacabka ku goob aheyn. Markii la soo gaaray goob aanan loo ogoleyn in ay shacabka ka gudbaan ayaa wasiirka askari uu ku yiri ma adigaa dhoofaya ,Wasiirku waxa uu yiri, maya ee caruurtaa dhoofeysa, haye halkaaga ka noqo ayaa la yiri, Wasiirka caruurtiisa ayuu ku yiri nabadeey oo uu gacan haatiyay, mar labaad ma sheegan inuu Wasiir yahay, wuuna iska laabtay.

Dadkii safka aan ku wada jirnay oo qaarkood waji yaqiin Wasiirka ayay arintan dood ka dhex dhalisay, nin oday ah ayaa soo booday wuxuu yiri “Wasiirku waa ilbax waana isku kalsoon yahay, Wajeer baa inoogu dhow markaan tagno amarka waa la qaadanayaa, maxaa diidaya in badbaadada wadanka awgiis uu amarka askariga Soomaaliyeed raaco oo aan kuwada calool fiyoobaano”.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment