3282 Views

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta guda galaya dib u eegista Dastuurka KMG

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta guda galaya dib u eegista Dastuurka KMG
____________________________________________________________________________

Muqdisho,15 February, 2016: Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan aan caadi aheyn, kaasoo lagu daah-furay Dib u eegista Dastuurka KMG, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan Madax kala duwan.

Dib u eegista Dastuurka KMG ah ee qabyada ah ayaa waxaa ka qeyb geli doona qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamul goboleedyada, waxaana sidoo kale goob joog ka noqon doona Madaxda ugu sareysa dowladda.

Golaha Wasiirada ayaa kulan gaar ah oo maalin ka hor ay ku yeesheen magaalada Muqdisho kaga hadlay dib u eegista Dastuurka, si wax ka bedel loogu sameeyo qodobada qaar.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad Jeylaani Nuur Iikar, ayaa sheegay in maanta la daah furi doono Dastuurka, si maalmaha soo socda loo guda galo dib iyo eegis iyo wax ka bedel lagu sameyn cutubyo ka tirsan Dastuurka.

Dastuurka ay ku shaqeyso dowladda KMG ayaa waxaa sanadkii 2012 ansixiyay ergooyin gaarayay illaa 800 ka kala yimid gobolada dalka, iyadoo la doonayo in afti dadweyne loo qaado, balse sida muuqata xaalada ammaan ee dalka iyo deegaanada qaar oo ka maqan gacanta dowladda ayaan suura gal ka dhigi karin afti u qaadidiisa, hadana ma muuqato in Barlamaanka wax muqdo ka keeni-doono.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment