9066 Views

Al- Furat Hotel oo Muqdiaho KU Soo Kordhay

Al- Furat Hotel oo Muqdiaho KU Soo Kordhay
____________________________________________________________________________

Muqdisho,16 February, 2016: Waxaa maanta xarigga laga jaray hotel cusub oo  aad u qurux badan casri-na ah oo lagu magacaabo AL-FURAT HOTEL, asagoo hotelkan dhismihiisu socday dhowr bilood ayaa manta lagu qabtay xaflad furitaan oo ay ka soo qeyb galeen marti sharaf fara badan oo ay ka mid yihiin ganacsatada waa weyn ee magaalada Muqdisho, masuulyiin ka socday Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, milkiilayaasha qar ka mid shirkadaha ganacsiga iyo hoteellda Muqdisho ugu caansan.

AL-FURAT ayaa ku fadhiya dhul weyn oo baaxaddiisu ay gaareyso 7,000 Mitir oo laba jibbaaran (100×70) ayaa waxa uu ku yaallaa waddada Makka almukarrama dhinaca degmada Hodan, wax uuna ka kooban yahay hotel iyo maqaayado laga cunteeyo oo laga helo cuntooyinka Carabta , Asianka,Italianka iyo cunto Somali intaba, iyadoo ay ka howl galaan cunto kariyayaal Xirfadooda sarreyso oo isugu jira ajaanib iyo Somali labadaba.

Hotelka AL-FURAT ayaa waxaa sidoo kale uu leeyhay Cafateria weyn iyo maqaayayd u gaar ah macmacaanka. Waxaa kale oo hotelaku uu leeyahy hoolal waaweyn iyo kuwo yar yar oo munaasib u ah shirarka, siminnaarada, xafladaha Aroosyada iyo munaasabadaha kala duwan. Iyo sidoo kale maqaayad bannaanka u furan oo u adeegta macaamiisha aan dagganeyn hotelka, lakin reer beletka ah.

Xasan Sheikh Axmed oo ah maamulaha hotelak AL-FURAT ayaa sheegay in macaamiishooda ay ugu talo galeen adeeg la mid ah adeegayda hotellda caalamiga ah, iyadoo sidoo kale dadka dibadda ka imaanaya ay booking  ka sameysan karaan barta internetka ee hotelka, iyadoo la siinayo qiime macquul ah iyo adeeg wanaagsan oo loo hagarbaxaayo.

“Waxaa kale oo hotrela laga helayaa adeegyada macaamilka uu u baahan yahay sida  xafiiska tikidhada ( Travel Agency) doobbiga casriga ah (dry cleaning) iyo dukaamo kla duwan oo isugu jira kuwa dharka, electaronicska iyo waxyaabaha la isku qurxiyo ( cosmetics) “ ayuu yiri xasan Sheekh Axmad, maamulaha hotelka AL-FURAAT  ee Muqdisho.

Caasimada Muqdisho ayaa waxay xilliyadan soo jiidatay gansato fara badan oo somali iyo ajaanibba leh oo doonaya in ay maal gashadaan mashaariic kala duwan iyo adeegyo kale oo muhiim u ah bulshada ku nool magaalada ama u soo dalxiis tagto.

alfurat-2

alfurat-3

alfurat-4

alfurat-5

alfurat-6

alfurat-7

alfurat-8

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment