4017 Views

Barlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Su’aalo Waydiinaya Labo Wasiir.

Barlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Su’aalo Waydiinaya Labo Wasiir.
____________________________________________________________________________

Muqdisho,16 February, 2016: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta su’aalo waydiin doonaan Wasiirka arrimaha gudaha iyo federalka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa iyo Wasiirka wasaaradda amniga qaranka Cabdirizak Cumar ee dowladda Soomaaliya.

Habdhowraha barlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud, ayaa sheegay in ay mudanayaasha ay wasiiradda weydiin doonaan su’aalo kala duwan oo ku khotoma howlaha ay hayaan, gaar ahaan dhanka amniga. “Ajandaaha kulanka baarlamaanka ayaa ah su’aalo lagu weydiinayo Wasiirada amniga iyo arrimaha gudaha ee Xukuumadda, kuwaasi oo baarlamaanka hor imaan doona” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar

Gudoomiye ku-xigeenbka kowaad ee barlamaanka dalka mudane Jaylaani Nuur Ikar ayaa dhowaan shaaciyey inay barlamaanka hor imaan doonaan wasiirada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid kuwaas oo warbixin laga rabo

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment