8799 Views

14 iskoot Ex Horseed waxa uu mudan yahay Macalinka Xulka Soomaaliya….

14 iskoot Ex  Horseed waxa uu mudan yahay Macalinka Xulka Soomaaliya….
____________________________________________________________________________

Muqdisho | February 16, 2016 –  Magaciisa oo dhameystiran waa Cismaan Xaaji Maye waxa lagu Naynaasaa Iskoot waa mid ka mdia difaacayadii ugu Adkaa Xulka Soomaaliya Sanadihii 80meeyadii iyo Kooxdii Cawo iyo Maalin Horseed

Mar aan Hargeysa kula kulmay kal hore  Difaacii Hore ee Naadiga  Horseed iyo Xulka Qaranka Soomaaliya ka dib 2010kii waxa uu i sheegay in uu ahaa Difaac ay ka baqi jireen Raacidiisa Weeraryahanadii ka soo horjeeday isla amrkaana uu ku caan baxay Ciyaar farsamo iyo adkeysi ku dhisan.
‘Marka saaxiibkeey 4 Shaash kubada lala soo dhaafo sida Gantaalkii ayaan u soo gal jiray Weerarka iga soo horjeeda,waxaana anigu si gaara u dhibsan jiray raacidiisa AUN Weraryahankii Maxamed Xuseen Cali’ Sheekhaaloow’ oo u u ciyaari jiray Kooxdii Muqdisho’ ayuu yiri iskoot oo intaasi ku daray in neynaasta iskoot ay ka soo jeedo kalmad carabi ah sidaana ugu baxday.
Cismaan Xaaji Maye iskoot waxa uu hoosta ka xariiqay inuu aad u jeclaa lambarka 14 ee uu qaadan jiray isla markaana Kooxdiisa Horseed Mudadii uu u ciyaarayay uu la qeybsaday Koobaba kala duwan  una badnaa Horyaalka Soomaaliya.
14 iskoot oo Baryahaan aad hadal heyntiisu u badneyd ayaa waxa uu ahaa Macalinki watay da,yarta Soomaaliya ee  da,da 11 jirada ee wacdaraha ka dhigay Koobkii 11 jirada e eka dhacay Wadanka Qadar.waxaana Macalin Iskoot uu soo xushay da,yar mustaqbal wanaagsan ku leh kubada Cagta Soomaaliya.
Ugu Dambeyntii Tababare Cismaan Xaaji Maxamed Iskoot Difaacii hore ee Soomaaliya waxa uu mudan yahay in loo dhiibo Xulak Qaranka Soomaaliya oo mudooyinkii la sood ahafay u muuqday mid wehel ua aha guuldarooyinka isla markaana XSKC u soo xulayay Tababare Ajnabi ahkaasoo waxba aan gaarsiin Xulka Kubada Cagta Soomaaliya.
.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment