3957 Views

“Ma jirto amar naga soo baxay oo lagu baarayo Xildhibaanada”

“Ma jirto amar naga soo baxay oo lagu baarayo Xildhibaanada”
____________________________________________________________________________

Muqdisho,17 February, 2016: Mudane C/risaaq Cumar Maxamed,Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegay in aysan jirin wax amar ah oo wasaaraddiisa ka soo baxay, kaasoo lagu farayo ciidamada ammaanka inay baaritaan ku sameeyaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Wasiirka oo shalay su’aalo lagu weydiiyay kulankii Baarlamaanka ayaa sheegay in uusan waxba ka ogeyn arrintan, isla markaana uu dalka ka maqnaa markii ay soo baxeen adkeynta Amniga.

“Ma jirto amar naga soo baxay, arrintaas baaritaan ku sameynayaa markii aan u yeero taliyeyaasha, waa sax Booliska iyo Nabadsugida aniga ayay i hoos-yimaadaan, laakiin ma amrin in la baaro Xildhibaanada”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sidoo kale sheegay in aysan raalli ka aheyn in Xasaanadda Xildhibaanada lagu xadgudubo, isagoo xusay in ciidamada qaar aysan aqoon xasaanad macnaha ay leedahay.

Koox ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo su’aalo weydiiyay Wasiirka ayaa ugu baaqay Wasiirka iyo Taliyaha Nabadsugida inay is casilaan, maadaama ay ku fashilmeen wax ka qabashada ammaanka wadanka.

wixi ka dambeeyay qaraxi ka dhacay Diyaaradda Daallo Airlines 2-dii bishaan, ayaa waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo dadka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo degaya garoonka si adag loo baarayay, waxaana arrintan qeyla dhaan ka soo saaray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo sheegay in aan la baari karin, ayna leeyihiin xasaanad in kastoo shacbiga qaar, ay fikrada Xildhibaanada ka soo horjeedaan.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment