3582 Views

MUDANE WASIIR MAAREEYE OO CODSI U DIRAY SAXAFADA MADAXA BANAAN.

____________________________________________________________________________

 

Aqristow in mudo ah, waxaa muran ka dhexjiray Ururka Saxaafada Somaaliyeed ee loo yaqaan (NUSOJ), murankaas oo la xiriiray Cida XAQA u leh ama Awooda u leh in ay Hogaamiso ururkaas.

Hadaba Murankan oo in mudo ah kusoo jiray “ijiid aan ku jiidee” ayaa si toos ah u soo shaac baxay, waxayna kaliftay in ay dowladu isku day’day in ay xaliso, waana suuro geli wayday arintaas, maadaama ay kala saari wayday labada dhinac oo midba uu sheeganayo in uu yahay HOGAANKA Xaqa ama saxda ah.

Arintan waxay kaliftay in Wasiirka Warfaafinta uu u soo bandhigo saxaafada madaxa banaan, kana CODSADAY in ay ka qayb qaataan XALKA arintan, wuxuuna soo dhaweyey Gudi loo Abuuray in ay Xaliyaan Qilaafka jira, wuxuuna yiri “waxaan soo dhawaynayaa in lala shaqeeyo gudiga loo xilsaaray xalinta Qilaafka taagan, waxaan si gaar ah Codsi ugu dirayaa in ay ka qaybqaataan Xalinta arintan Saxaafada MADAXA Banaan”.

Hadaba, Website-ka Qaranimo-online oo ka JAWWABAYA codsigii Wasiirka, waxaan soo jeedinaynaa talooyinkan hoos ku qoran.

  • Madaama ururkan asaaskiisa uu ka horeyey dowladan ka baxday ku meelgaarka, waa in ururkan La’baabi’iyo, lana abuuro urur Cusub.
  • Asaasida ururkan Cusub waa in Xeerarkiisa iyo Maamulidiisa la waafajiyo Dastuurka Saxaafada.
  • Waa in Hogaanka uu ku yimaado Tartan doorasho oo lagu qabto goob fagaara ah iyo Cod doorasho oo lagu rido DHALLO CAD.
  • Doorashada waa in laga qayb geliyaa dhamaan Saxaafada madaxa banaan ee dalka oo dhan.
  • Doorashada waa in si CAD loo abaabulaa, si fursad loo siiyo Muwaadin kasta in uu keensado CODSIGA ka qaybgalka doorashada.
  • Doorashadan waa in ay isla maamulaan Guddi ka kooban Xildhibaano, Wasiiro, Aqoonyahno iyo Guddi Ka madaxbanaan Arimaha Saxaafada.
  • Tartanka doorashada waa in uu noqdaa ilaa 3-wareeg si loogu kala haro Goob fagaara ah.
  • Musharax kasta waa in uu soo Bandhigaa, Sifaha iyo Jidka uu ku Hogaamindoono Ururka.
  • Musharax kasta waa in uu dhiibaa Lacag Dhan $1000 dollar, lacagtan lama soo CELINAYO GUUL iyo GUUL daro labadaba.
  • Musharaxa waa in uu yahay qof Sumcad ku leh bulshada dhexdeeda, waana in uu san ahayn qof Horay loogu yaqiinay Musuq iyo EEX.
  • Musharixiinta waa in ay Noqdaan Rag iyo Dumar labadaba, si loo ilaaliyo Cadaalada.
  • Musharaxiinta waa in ay doorashada ka hor la kulmaan Gudiyada doorashada si ay u waydiiyaan Su’aalo la Xiriira Wax qabadkiisa iyo Muwaadin nimadiisa, arintan oo sahli doonto in dadka wax dooranaya ay go’aansadaan shaqsiga ay dooran doonaan.
  • Dadka doorashada ka qayb galaya waa in laga soo xulaa saxafada madaxa banaan iyo uruurada aan dowliga ahayn.

Ugu dambayn, Qaranimo mar walba waxay u dhisantahay in ay ka qayb qaadato wax kasta oo keeni kara XAL iyo NABAD waarta, si loo soo CELIYO Midnimadii iyo kala Dambayntii Umada Somaaliyeed, waana Sifaha loo Asaasay Website-ka Qaranimo, waxaana qof kasta tusaale ugu filan magaca uu Xambaarsanyahay Website-ka, waxaan si TOOSA iyo si DADBAN uga soo horjeednaa Cidkasta oo isku DAY’DA in ay kala DHANTAASHO Midnimada Umada Somaaliyeed, waana waa JIB saaran qof kasta oo muwaadin ah in uu ilaaliyo Sharafta iyo Karaamada umada.

War iyo Dhamaan, waxaan leenahay Talooyinkan aan soo jeedinay ka QAATA wixii anfac idiin leh, wixii aan idiin lahayn anfacna halkaas ku dhaafa, waxaana naga dardaarana in Caadaalada lagu dadaalo, lana ilaaliyo Sharafta muwaadinka.

Waxaan su gaynaa Cida badin doonto Ciyaarta dhexmari doonto CADAALADA iyo CADAALAD darada.

Qaranim-online

Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment