4377 Views

Hay’adda FBI-da Mareykanka oo dalbatay arin ay ku baarayso Wasiirka Hadliye

Hay’adda FBI-da Mareykanka oo dalbatay arin ay ku baarayso Wasiirka Hadliye
____________________________________________________________________________

Muqdisho,18 February 2016: Wararka naga soo gaaraya, Wasaarada arrimaha Dibadda Somalia, ayaa sheegaya in Saraakiisha FBI-da Mareykanka ka jooga Somalia ee ku howlan baaritaanka Diyaaradda Daallo ay warqad u gudbiyeen Xafiiska Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh taas oo ay ku dalabanayaa in ay ku baaraan Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya C/salaan Hadliye.

Qof ka tirsan Saraakiisha ka howlgasha Xafiiska Wasiirka arrimaha Dibadda, ayaa sheegay in warqadaasi lagu dalbaday in FBI loo ogolaado inay baaraan kiiska lala xiriirinaayo Hadliye, iyada oo aan laga qaadin xasaanada

Sargaalka waxa uu sheegay in nuqul kamid ah warqadaasi lasoo gaarsiiyay Xafiiska Wasiirka, wuxuuna tilmaamay in Seddexdii maalin ee ugu danbeeyay uu tuhunka qeyb ka noqday Wasiir C/salaam.

Sargaalkan oo diiday in magaciisa loo adeegsado Saxaafada, ayaa yiri ”Waa arrin xaqiiq ah in qaraxa diyaarada Daallo uu seddexdii maalin ee ugu danbeysay tuhun ku yeeshay wasiirka. Waxaa jiray baaritaan hoose oo baryahaanba ku socday wasiirka waayo waxaa is biirsaday macluumaadka muujinaayay heerka uu gaarsiisanaa xiriirka Hadliye kala dhexeeyay ninki qarxiyay dayaaradi Daallo Cabdullaahi Cabdisalam Borleh”

”Warqada kasoo baxday FBI-da Mareykanka ee xiligaani qeybta ka ah baaritaanka socda ayaa lagu codsaday in loo ogolaado in baaritaan soconaayo laba maalin lagu sameeyo Wasiir C/salaam Hadliye.”

Madaxweyne Xassan Sheekh oo warqadaasi la gaarsiiyay ayaa la sheegayaa in wax jawaab ah uusan wali ka bixin, in kastoo aan la garankarin sababta ugu wacan, hadana waxaa jira guux hoose oo arrintaani ka dhex abuurtay madaxda dalka ugu sareeysa.

Shalay ayay aheyd markii Saxafi lagu magacaabo Suzan Frazer oo ka howlgala Wakaalladda Wararka ee AP uu qoraal cadeymo leh ku xaqiijiyay in Wasaarada arrimaha Dibadda Somalia ay Abdullaahi Abdisalam Borleh garab ordeysay, iyada oo siisay warqad aqoonsi ah oo muujineysa in Borleh uu yahay la-taliye ka howlgali doona Safaarada Somalia ee Turkiga ku leedahay.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment