3198 Views

Kulanki Madaxweynaha iyo Odayaashi Reer Hiiraan oo Fashil ku dhamaaday.

Kulanki Madaxweynaha iyo Odayaashi Reer Hiiraan oo Fashil ku dhamaaday.
____________________________________________________________________________

Muqdisho,18 February 2016: Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne, ayaa sheegaya in shirki maanta uu la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh qaar ka mid ah oday dhaqameedyada gobolka Hiiraan uu ku is afgarasho la’aan marki lagu heshiin waayay qaabka dib loogu bilaabayo shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Madaxweynaha, ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxaana wararku sheegayaan in uu ku dhamaaday is afgaran waa, kadib markii uu Ugaasku ku adkeystey in shirka maamul u sameynta lagu qabto magaalada Beledweyne.

Lama hayo cid si rasmi ah uga hadashay labada dhinac, shirki Beledweyne gaar ahaan kulankii ay yeesheen Madaxweyne Xasan iyo Ugaaska.

Wararka qaar ayaa sheegayaan in Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ay hore u soo raaceen ergo mataleysa gobolka Hiiraan, ugana qeybgalaysa shirka lagu wado in uu dhowaan ka dhaco dalka Turkiga.

Yuusuf Axmed Hagar, oo ah Gudoomiyaha Hiiraan iyo xubno kale ayaa soo raacay Madaxweynaha, iyadoo magaalada Muqdisho hore ugu sugnaa Cali Guudlaawe Xuseen oo ah Guddoomiyihii gobolka Sh/dhexe.

Qaar ka mid ah Beelaha Gobolka Hiiraan ayaa horay u qaadacay madasha shirka maamul u sameynta ee magaalada Jowhar, iyadoo shirka uu muddo bil ah hakad ku jiray, tan iyo markii uu Madaxweynuhu si rasmi ah u furay 12-kii bishiian soo dhaafnay.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment